Falimaha Rasuullada 19:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxyaalahaasu waa wax aan la dafiri karin, sidaas daraaddeed waxaa idinku waajib ah inaad xasilloonaataan oo aydnaan samayn wax qamaam ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 14:29 : 29 Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.
  • Maah 25:8 : 8 Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
  • Fal 5:35-39 : 35 Markaasuu iyagii ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, iska jira waxaad la damacsan tihiin inaad nimankaas ku samaysaan. 36 Maxaa yeelay, hadda ka hor waxaa kacay Tudas, isagoo nin weyn iska dhigaya, kaasoo niman badan oo qiyaas afar boqol gaadhaa raaceen. Isagii waa la dilay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen, oo waxay noqdeen wax aan waxba ahayn. 37 Ninkaas dabadiis, waagii dadka la qori jiray, waxaa kacay Yuudas kii reer Galili, oo dad buu duufsaday; isaguna waa dhintay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen. 38 Haddaba waxaan idinku leeyahay, Nimankan faraha ka qaada oo iska daaya; waayo, taladan ama shuqulkanu hadday dad ka yimaadeen, waa baabbi'i doonaan; 39 laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 19:32-35
    4 aayado
    83%

    32Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.

    33Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.

    34Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

    35¶ Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?

  • Fal 19:37-40
    4 aayado
    82%

    37Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna.

    38Sidaas daraaddeed haddii Deemeetriyos iyo kuwa la shuqul ah ay nin wax ku haystaan, maxkamadahu waa furan yihiin, xaakinnona waa jiraan; haddaba ha isdacweeyaan.

    39Laakiin haddii aad doonaysaan wax ku saabsan axwaal kale, waxaa lagu gar gooyn doonaa ururkii sharciga.

    40Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.

  • Fal 19:23-29
    7 aayado
    76%

    23¶ Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.

    24Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn;

    25kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna.

    26Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.

    27Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.

    28¶ Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

    29Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.

  • Fal 5:38-39
    2 aayado
    71%

    38Haddaba waxaan idinku leeyahay, Nimankan faraha ka qaada oo iska daaya; waayo, taladan ama shuqulkanu hadday dad ka yimaadeen, waa baabbi'i doonaan;

    39laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan.

  • 18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

  • Fal 4:16-17
    2 aayado
    70%

    16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

    17Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.

  • 35Markaasuu iyagii ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, iska jira waxaad la damacsan tihiin inaad nimankaas ku samaysaan.

  • 8iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.

  • 30Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso.

  • 5Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.

  • 8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.

  • 11Goortay idin hor keenayaan sunagogyada, iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan,

  • 2Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.

  • Fal 24:18-20
    3 aayado
    68%

    18Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid

    19kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan.

    20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

  • Fal 16:20-21
    2 aayado
    68%

    20oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,

    21oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.

  • Fal 14:14-15
    2 aayado
    68%

    14Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya

    15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,

  • Fal 4:19-21
    3 aayado
    67%

    19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

    20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.

    21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

  • 22Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.

  • 14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

  • Fal 17:21-22
    2 aayado
    67%

    21(Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)

    22¶ Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.

  • 17Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.

  • 13Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.

  • 11oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay;

  • 12¶ Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.

  • 2oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen.

  • 11Haddaba kuwii reer Laawi ayaa dadkii oo dhan aamusiiyey, oo waxay ku yidhaahdeen, War maanta waa quduuse iska aamusa oo ha murugoonina.

  • 14Sidaa darteed qalbiyadiinna geliya inaydnaan hore ugu fikirin waxaad ku jawaabi doontaan.

  • 38Haddaba saraakiishii baa hadalladaas u sheegay xaakinnadii; oo kolkay maqleen inay reer Rooma yihiin ayay baqeen.

  • 15laakiin hadday yihiin su'aalo ku saabsan hadallo iyo magacyo iyo sharcigiinna, idinka qudhiinnu fiiriya, maxaa yeelay, anigu dooni maayo inaan waxyaalahaas xaakin u ahaado.