Falimaha Rasuullada 20:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas darteed, soo jeeda, idinkoo xusuusanaya in intii saddex sannadood ah aanan ka joogsan inaan mid kasta habeen iyo maalinba waaniyo anigoo ilmaynaya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 19:10 : 10 Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
  • Cib 13:17 : 17 ¶ Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.
  • Fal 19:8 : 8 ¶ Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.
  • Kol 1:28 : 28 Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah.
  • Fal 20:19 : 19 ¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;
  • Fal 24:17 : 17 Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno.
  • 1 Kor 4:14 : 14 ¶ Anigu waxyaalahaas u qori maayo inaan idin ceebeeyo laakiin inaan idin waaniyo sida carruurtayda aan jeclahay oo kale.
  • Fal 20:7 : 7 ¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey.
  • Fal 20:11 : 11 Oo markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey.
  • Yex 3:17-20 : 17 Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii. 18 Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa. 19 Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay. 20 Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
  • Mat 3:7 : 7 ¶ Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?
  • Mat 13:25 : 25 Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey.
  • Mark 13:34-37 : 34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
  • Luuk 21:36 : 36 Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
  • 1 Tes 2:9-9 : 9 Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah. 10 Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.
  • 1 Tes 5:14 : 14 Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
  • 2 Tes 3:8 : 8 Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin;
  • 2 Tim 4:5 : 5 Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.
  • Muj 16:15 : 15 (Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 20:18-21
    4 aayado
    77%

    18Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,

    19¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;

    20iyo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri,

    21anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 32¶ Imminka waxaan idinku ammaano gelinayaa Ilaah iyo ereyga nimcadiisa kaasoo kara inuu idin dhiso oo dhaxal idinka dhex siiyo kuwa quduus laga dhigay oo dhan.

  • Fal 20:23-27
    5 aayado
    74%

    23in Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin.

    24Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.

    25¶ Hadda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.

    26Sidaas daraaddeed waxaan maanta idiinku warramayaa inaan daahir ka ahay dadka oo dhan dhiiggiisa.

    27Maxaa yeelay, dib ugama noqon inaan talada Ilaah oo dhan idiin sheego.

  • Fal 20:29-30
    2 aayado
    72%

    29Waxaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin;

    30oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.

  • 3¶ Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,

  • Gal 4:10-11
    2 aayado
    72%

    10¶ Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado.

    11Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.

  • 71%

    12¶ Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.

    13Waxaa ila qumman in in alla intii aan jidhkan ku jiro aan xusuusin idinku guubaabiyo.

  • 9Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.

  • 15Waxaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan.

  • 10Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.

  • 18Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.

  • 2 Tim 1:3-4
    2 aayado
    70%

    3¶ Waxaan ku mahadnaqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya.

    4Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.

  • 3Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 31¶ Oo isagoo aad u dhiirran ayuu wuxuu ku wacdiyi jiray boqortooyada Ilaah, wuxuuna bari jiray waxyaalaha ku saabsan Rabbi Ciise Masiix, cidnana uma diidin.

  • 23¶ Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.

  • 17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 4Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo.

  • 17Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta.

  • 2 But 3:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Gacaliyayaalow, tanu waa warqaddii labaad oo aan idiin soo qoray, oo labadoodaba waxaan maankiinna daacadda ah ku guubaabinayaa xusuusin,

    2inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.

  • 5Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

  • 28Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah.

  • 9Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsila'aan baryadayda idiinku xusuusto,

  • 11Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.

  • Fal 20:36-38
    3 aayado
    69%

    36¶ Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.

    37Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,

    38iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.

  • 16ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa,

  • 13Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis.

  • 10Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.

  • 10¶ Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga,

  • 14¶ Anigu waxyaalahaas u qori maayo inaan idin ceebeeyo laakiin inaan idin waaniyo sida carruurtayda aan jeclahay oo kale.

  • 13¶ Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.

  • 23Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.

  • 5Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye.

  • 37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

  • 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

  • 6¶ Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.

  • 32¶ Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh.