Falimaha Rasuullada 24:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 12:2 : 2 Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
  • 1 Tes 4:14-16 : 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga. 15 Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay. 16 Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan,
  • Yoox 5:28-29 : 28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, 29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
  • Fal 23:6-8 : 6 ¶ Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa. 7 Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay. 8 Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.
  • Fal 24:21 : 21 haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.
  • Fal 26:6-7 : 6 Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo. 7 Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!
  • Fal 28:20-31 : 20 Sababtaas daraaddeed ayaan idiin yeedhay inaan idin arko oo aan idinla hadlo; maxaa yeelay, rajadii reer binu Israa'iil sugayaan daraaddeed ayaan silsiladdan ugu xidhnahay. 21 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato. 22 Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo. 23 ¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii. 24 Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen. 25 Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay, 26 oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto; 27 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin. 28 ¶ Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan. 29 ¶ Oo markuu waxyaalahaas ku yidhi ayaa Yuhuuddii iska tageen, iyagoo isla murmaya. 30 ¶ Oo laba sannadood oo dhan ayuu iska degganaa hoy uu isagu kiraystay, oo kulli intii u soo gashay oo dhanna wuu soo wada dhoweeyey. 31 ¶ Oo isagoo aad u dhiirran ayuu wuxuu ku wacdiyi jiray boqortooyada Ilaah, wuxuuna bari jiray waxyaalaha ku saabsan Rabbi Ciise Masiix, cidnana uma diidin.
  • 1 Kor 15:12-27 : 12 ¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto? 13 Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin. 14 Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare. 15 Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin. 16 Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin. 17 Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan. 18 Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen. 19 Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan. 20 ¶ Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay. 21 Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid. 22 Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa, 23 laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa. 24 Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed. 25 Waayo, waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo. 26 Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho. 27 Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.
  • Fil 3:21 : 21 Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.
  • Muj 20:6 : 6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
  • Muj 20:12-13 : 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen.
  • Mat 22:31-32 : 31 Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi, 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
  • Ayuub 19:25-26 : 25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono. 26 Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.

  • Fal 24:13-14
    2 aayado
    74%

    13Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.

    14Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.

  • Fal 26:6-8
    3 aayado
    73%

    6Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo.

    7Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!

    8Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?

  • Fal 24:20-21
    2 aayado
    72%

    20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

    21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

  • Fal 17:31-32
    2 aayado
    71%

    31maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.

    32¶ Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.

  • 21idinkoo isaga aawadiis ku ah kuwa rumaysan Ilaaha isaga ka soo sara kiciyey kuwii dhintay oo ammaanay isaga, in rumaysadkiinna iyo rajadiinnu ay Ilaah ku xidhnaadaan aawadeed.

  • 1 But 4:5-6
    2 aayado
    70%

    5Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

    6Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.

  • Yoox 5:28-29
    2 aayado
    70%

    28Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan,

    29wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.

  • 13Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.

  • 24laakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise,

  • 30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

  • 68%

    13¶ Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn.

    14Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.

  • 11si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay.

  • 35¶ Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan?

  • Room 8:24-25
    2 aayado
    67%

    24Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko?

    25Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.

  • 6¶ Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa.

  • 11Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.

  • 12¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?

  • 7kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah;

  • 2Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.

  • 66%

    15Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.

    16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.

  • 31Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,

  • 32Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

  • 19Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.

  • 11Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta,

  • 7inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.

  • 10Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.

  • 37laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.

  • 15Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba,

  • 13innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

  • 11maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.

  • 4Kii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo, eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.

  • 26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.

  • 35Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan.

  • 25Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay.

  • 8Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.

  • 19laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.

  • 15oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.

  • 29¶ Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisay kuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaa haddana loogu baabtiisaa iyaga?

  • 7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.