Wacdiyihii 9:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo, eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 14:7-9 : 7 Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan. 8 In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato, 9 Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo. 10 Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa, Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu? 11 Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa, 12 Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
  • Ayuub 27:8 : 8 In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay, Markii Ilaah naftiisa qaado?
  • Ish 38:18 : 18 Waayo, She'ool kuguma mahadnaqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto, Oo kuwa yamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.
  • Bar 3:21-22 : 21 Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay. 22 Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
  • Luuk 16:26-29 : 26 Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin. 27 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid, 28 waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman. 29 Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 9:5-6
    2 aayado
    79%

    5Waayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan, laakiinse kuwa dhintay waxba ma oga, oo innaba abaalgud dambe ma heli doonaan, waayo, iyaga waa la illoobay.

    6Oo weliba jacaylkoodii iyo nacaybkoodii iyo hinaasiddoodiiba way wada baabbe'een, oo innaba qayb dambe kuma lahaan doonaan waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan.

  • Wacd 4:2-3
    2 aayado
    76%

    2Sidaas daraaddeed waxaan ammaanay kuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee weli nool.

    3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • Wacd 3:18-22
    5 aayado
    73%

    18Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.

    19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

    20Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.

    21Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale?

    22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • 3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

  • 2In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan.

  • 9Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.

  • Wacd 9:9-10
    2 aayado
    70%

    9Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.

    10Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.

  • 12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • 6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

  • 48Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)

  • 7Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.

  • Wacd 2:16-17
    2 aayado
    69%

    16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

    17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

  • 8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

  • 8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 4:15-16
    2 aayado
    68%

    15Waxaan arkay inta nool ee qorraxda hoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarka meeshiisa istaagi doona.

    16Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 6:11-12
    2 aayado
    68%

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • 32Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

  • 30Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.

  • 9Laba waa ka wanaagsan yihiin mid qudha, maxaa yeelay, abaalgud wanaagsan bay hawshooda ka helaan.

  • 38Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.

  • 15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

  • 14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

  • 3Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

  • 67%

    20Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,

    21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

    22Kuwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?

  • 6Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.

  • 12Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.

  • 1¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.

  • 15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • 24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

  • Sab 49:18-19
    2 aayado
    66%

    18In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,

    19Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.

  • 24Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.

  • 16Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.

  • 16Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay, Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan. Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.

  • 5Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,

  • 12Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?

  • 15Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.

  • 13¶ Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn.