Wacdiyihii 7:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 90:12 : 12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
  • Ish 5:11-12 : 11 ¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo! 12 Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.
  • Ish 22:12-14 : 12 Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa. 13 Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye. 14 Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.
  • Ish 47:7 : 7 Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.
  • Aam 6:3-6 : 3 Waxaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado, 4 oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira, 5 oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud, 6 oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
  • Xag 1:5 : 5 Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
  • Mal 2:2 : 2 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.
  • Mat 5:4 : 4 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.
  • Mat 14:6-9 : 6 Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. 7 Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. 8 Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 9 Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.
  • Room 6:21-22 : 21 Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada. 22 Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.
  • Fil 3:19 : 19 oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida.
  • Cib 9:27 : 27 Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo,
  • 1 But 4:3-4 : 3 Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah. 4 Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.
  • Bil 48:1-9 : 1 ¶ Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim. 2 Kolkaasaa waxaa Yacquub loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, wiilkaagii Yuusuf baa kuu imanaya. Markaasaa Israa'iil intuu xoog isgeliyey ayuu soo dul fadhiistay sariirtiisii. 3 Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey, 4 oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado. 5 Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon. 6 Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan. 7 Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam. 8 Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo? 9 Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa. 10 Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday. 11 Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii. 12 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray. 13 Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii. 14 Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii. 15 Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta, 16 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen. 17 Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa. 18 Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar. 19 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan. 20 Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh. 21 Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa. 22 Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.
  • Bil 49:2-9 : 2 Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla, Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil. 3 Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa, Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya. 4 Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid, Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa; Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii. 5 Simecoon iyo Laawi waa walaalo, Seefahoodu waa hub dirireed. 6 Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda, Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey; Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen, Oo qushigooday dibi ku boqno jareen. 7 Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd, Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn. Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin. 8 Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan. Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda, Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan, 9 Yahuudah waa libaax dhashiis. Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay. Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar, Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona? 10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan. 11 Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah, Dameerkiisa yarna canabka la doorto, Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri, Lebiskiisana dhiig canab. 12 Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri, Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano. 13 Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda. Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha, Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda. 14 Isaakaar waa dameer xoog weyn, Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda. 15 Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay, Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay; Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado, Oo addoon buu u noqday hawshii. 16 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood. 17 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta, Iyo jilbis waddada dhex yaal, Oo fardaha cedhbaha ka qaniina, Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco. 18 Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada. 19 Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda; Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa. 20 Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa, Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan. 21 Naftaali waa cawl la furay, Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa. 22 Yuusuf waa laan midho leh, Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal; Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan. 23 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay, Wayna toogteen oo silciyeen; 24 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil) 25 Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona, Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona Barakooyinka samada sare, Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa, Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka. 26 Barakooyinkii aabbahaa Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara; Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf, Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay. 27 Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada; Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday, Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay. 28 ¶ Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey. 29 ¶ Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed. 33 Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.
  • Bil 50:15-17 : 15 ¶ Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan. 16 Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi, 17 Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.
  • Tir 23:10 : 10 Bal yaa qiyaasi kara reer Yacquub oo sida boodhka ah? Amase yaa tirin kara reer binu Israa'iil rubuciis? Anigu aan u dhinto sida kuwa xaqa ahu u dhintaan, Oo ugu dambaystayduna ha ahaato sida tooda oo kale.
  • Sharc 32:29 : 29 Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan, Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
  • Sharc 32:46 : 46 oo wuxuu ku yidhi, Qalbigiinna ku qabsada kulli erayadan aan maanta idiin sheegay oo dhan, kuwaasoo aad carruurtiinna ku amri doontaan si ay u dhawraan oo u wada yeelaan sharcigan erayadiisa oo dhan.
  • Ayuub 1:4-5 : 4 Oo wiilashiisii way tegi jireen, oo midkood kastaaba maalintiisa ayuu gurigiisa diyaafad ku samayn jiray, oo waxay u cid direen oo u yeedheen saddexdii gabdhood oo walaalahood ahaa inay wax la cunaan oo wax la cabbaan aawadeed. 5 Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 7:3-5
    3 aayado
    85%

    3Qosol waxaa ka wanaagsan murug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa wejiga caloolxumadiisa.

    4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

    5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.

  • 1¶ Magac wanaagsanu waa ka sii fiican yahay saliid qaali ah, oo maalinta dhimashaduna waa ka fiican tahay maalinta dhalashada.

  • 76%

    12Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.

    13Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.

  • Wacd 9:3-5
    3 aayado
    75%

    3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

    4Kii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo, eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.

    5Waayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan, laakiinse kuwa dhintay waxba ma oga, oo innaba abaalgud dambe ma heli doonaan, waayo, iyaga waa la illoobay.

  • Wacd 4:2-3
    2 aayado
    75%

    2Sidaas daraaddeed waxaan ammaanay kuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee weli nool.

    3Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

  • Wacd 7:14-15
    2 aayado
    75%

    14Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.

    15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • 15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

  • Wacd 11:8-10
    3 aayado
    74%

    8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.

    9¶ Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono.

    10Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn.

  • 22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?

  • Wacd 6:8-9
    2 aayado
    73%

    8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

    9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 8Wax bilowgiisa waxaa ka wanaagsan dhammaadkiisa, oo kii dulqaadasho badanuna waa ka wanaagsan yahay kii kibir badan.

  • 16Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.

  • 72%

    15Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.

    16Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.

  • 17Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?

  • 8Oo weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.

  • 12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.

  • Wacd 3:19-20
    2 aayado
    71%

    19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.

    20Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.

  • 5Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.

  • 16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

  • 6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

  • 4wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti la baroorto, iyo wakhti la cayaaro;

  • Wacd 2:23-24
    2 aayado
    71%

    23Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    24¶ Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid.

  • Wacd 12:7-8
    2 aayado
    71%

    7iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey.

    8Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

  • Wacd 6:11-12
    2 aayado
    71%

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

    12Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

  • 6In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?

  • 24Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.

  • 27Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.

  • 13Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 3Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.

  • 10Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.

  • Wacd 2:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugu tijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oo bal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne.

    2Qosol waxaan ka idhi, Waa waalli! Farxadna waxaan ka idhi, Bal maxay taraysaa?

  • 10¶ Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 10Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiicnaayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid.

  • 11Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,