Ayuub 14:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 19:10 : 10 Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
  • Ish 27:6 : 6 Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.
  • Daan 4:15 : 15 Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.
  • Daan 4:23-25 : 23 Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan, 24 fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow. 25 Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.
  • Ish 11:1 : 1 ¶ Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,
  • Ayuub 14:14 : 14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 14:8-9
    2 aayado
    89%

    8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

    9Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.

  • Yer 17:7-8
    2 aayado
    77%

    7Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.

    8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

  • 12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

  • 74%

    15Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.

    16Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.

    17Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.

  • 16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

  • 14Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.

  • Yex 17:8-10
    3 aayado
    73%

    8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

    9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?

    10In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.

  • 12Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.

  • 1¶ Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,

  • Daan 4:14-15
    2 aayado
    72%

    14Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.

    15Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.

  • Yex 17:5-6
    2 aayado
    72%

    5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.

    6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

  • 19Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa, Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.

  • Hos 14:6-7
    2 aayado
    72%

    6Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.

    7Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.

  • 31Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.

  • 15Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?

  • 14Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,

  • 6Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.

  • 32Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.

  • 2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.

  • 30Markaasaa kuwii hadhay oo reer Yahuudah ah oo baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.

  • 10Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.

  • 9Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.

  • 30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.

  • 3Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.

  • 5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.

  • 8Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto.

  • 14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

  • 19Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.

  • 13Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.

  • 18Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

  • 14Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa.

  • 11Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa.

  • Yex 17:22-23
    2 aayado
    70%

    22¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.

    23Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.

  • 13Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.

  • 7Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.

  • 17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,

  • 2Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?

  • 17Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaystaadana rajaa kuu jirta, oo carruurtaaduna mar kalay waddankooda ku soo noqon doonaan.

  • 12Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.

  • 5Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.