Hosheeca 14:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 52:8 : 8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal, Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
  • Sab 80:9-9 : 9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey. 10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah. 11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
  • Sab 128:3 : 3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
  • Hees 4:11-15 : 11 Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan. 12 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay. 13 Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin, 14 Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan. 15 Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.
  • Yer 11:16 : 16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
  • Yex 17:5-8 : 5 Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah. 6 Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray. 7 Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray. 8 Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.
  • Yex 31:3-9 : 3 Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha. 4 Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan. 5 Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood. 6 Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen. 7 Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa. 8 Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn. 9 Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan. 10 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,
  • Daan 4:10-15 : 10 Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa. 11 Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa. 12 Caleemihiisuna way qurxoonaayeen, midhihiisuna way badnaayeen, waxaana ku tiil cunto ku wada filan wax walba. Xayawaankii duurkuna hoostiisay hadhsanayeen, haadka cirkuna waxay ku hoyan jireen laamihiisa, oo wax jidh leh oo dhammuna isagay wax ka cuni jireen. 13 Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay. 14 Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa. 15 Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.
  • Mat 13:31 : 31 ¶ Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.
  • Yoox 15:1 : 1 ¶ Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.
  • Room 11:16-24 : 16 Inta ugu horraysa oo cajiinku hadday quduus tahay, de cajiinkuna wuu yahay, haddii xididku quduus yahayna, de laamahuna way yihiin. 17 Laakiinse haddii laamihii qaarkood laga jebiyey, oo adigoo saytuundibadeed ah lagugu tallaalo meeshoodii, oo aad ka qayb gasho wanaagga xididka geedka saytuunka ah, 18 ha ka faanin laamaha, laakiinse haddii aad faantid, bal ogow inaadan ahayn kan xididka sida, laakiinse xididkaa adiga ku sida. 19 Haddaba waxaad odhan doontaa, Laamihii waxaa loo jebiyey in aniga laygu tallaalo meeshoodii. 20 Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso; 21 waayo, haddaan Ilaah u tudhin laamihii asliga ahaa, de adna kuu tudhi maayo. 22 Bal hadda fiiri roonaanta iyo adkaanta Ilaah; kuwii dhacay xaggooda adkaantiisaa la jirta, laakiinse xaggaaga waxaa la jirta roonaanta Ilaah, haddaad roonaantiisa ku sii socotid, haddii kaleeto adna waa lagu gooyn doonaa. 23 Iyagana haddayan rumaysaddarradoodii ku sii socon, waa lagu tallaali doonaa meeshoodii, waayo, Ilaah waa awoodaa inuu iyaga mar kale ku tallaalo meeshoodii. 24 Waayo, haddii adiga lagaa soo gooyay saytuun dibadeed oo si aburiddiisa ka gees ah laguugu tallaalay geed saytuun wanaagsan ah, intee baa in ka sii badan kuwan oo ah laamihii asliga ahaa loogu tallaali doonaa geedkoodii saytuunka ahaa?
  • 2 Kor 2:14-15 : 14 Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya. 15 Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba;
  • Fil 4:18 : 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • Bil 27:27 : 27 Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 7Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.

  • 5Waxaan dadka Israa'iil u noqon doonaa sida sayaxa oo kale, oo iyaguna waxay u ubxin doonaan sida ubaxa oo kale, oo waxay xididdada u mudan doonaan sida Lubnaan oo kale.

  • Yex 17:5-6
    2 aayado
    79%

    5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.

    6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

  • Ayuub 14:8-9
    2 aayado
    79%

    8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

    9Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.

  • Yex 17:22-24
    3 aayado
    78%

    22¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.

    23Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.

    24Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.

  • Yex 31:3-9
    7 aayado
    77%

    3Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.

    4Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.

    5Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.

    6Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.

    7Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.

    8Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.

    9Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.

  • 77%

    32Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.

    33Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.

  • 6Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.

  • 1¶ Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,

  • 16Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,

  • Sab 80:10-11
    2 aayado
    76%

    10Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.

    11Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.

  • 2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.

  • 16Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.

  • 6Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.

  • 13Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan.

  • 16Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.

  • 8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

  • 16Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.

  • 2¶ Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.

  • 15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

  • 13Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.

  • 6Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.

  • 8Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto.

  • 16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

  • 19Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur,

  • 8Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.

  • 8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

  • 3Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.

  • 19Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa, Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.

  • 9Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

  • 34Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.

  • 30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.

  • 40Oo soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan.

  • 11Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.

  • 15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.

  • 13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • 8Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.