Hosheeca 14:7
Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.
Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5Waxaan dadka Israa'iil u noqon doonaa sida sayaxa oo kale, oo iyaguna waxay u ubxin doonaan sida ubaxa oo kale, oo waxay xididdada u mudan doonaan sida Lubnaan oo kale.
6Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.
5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.
6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.
7Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.
8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.
9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?
22¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.
23Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.
7Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
9Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
33Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.
13Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan.
14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.
16Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
6Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.
14Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.
16Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
6Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.
10Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
12Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.
13Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
5Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan.
8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.
12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.
12Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
6Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.
8Reer Efrayim waxay odhan doonaan, Bal maxaa mar dambe annaga iyo sanamyo noo dhexeeya? Anna waan u jawaabay oo waan fiirin doonaa. Waxaan ahay sida geed beroosh ah oo qoyan, midhihiinna xaggaygaa laga helaa.
16Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.
2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.
8Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto.
6Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.
7Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.
13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
31Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
30Markaasaa kuwii hadhay oo reer Yahuudah ah oo baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
10Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil.
8Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.
15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.
22Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.
10Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.
7Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.
9¶ Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.
2¶ Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.
12Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.