Bilowgii 40:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Markaasaa madaxii kuwii khamriga keeni jiray riyadiisii Yuusuf u sheegay, oo wuxuu yidhi, Riyadaydii waxaan ku arkay geed canab ah oo i hor yaal.

  • Bil 40:11-13
    3 aayado
    84%

    11Koobkii Fircoonna gacantayduu ku jiray, markaasaan canabkii guray oo koobkii Fircoon ku tuujiyey, koobkiina waxaan u dhiibay gacantii Fircoon.

    12Markaasaa Yuusuf ku yidhi, Fasirkeedii waa kan: saddexda laamood waa saddex maalmood.

    13Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray.

  • Yex 17:5-8
    4 aayado
    79%

    5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.

    6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

    7Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.

    8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

  • 15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.

  • 5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.

  • Ish 5:1-4
    4 aayado
    75%

    1¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.

    2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.

    3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.

    4Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?

  • Xaak 9:12-13
    2 aayado
    74%

    12Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.

    13Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

  • 33Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.

  • Yoox 15:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.

    2Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.

  • 22Yuusuf waa laan midho leh, Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal; Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.

  • Yex 19:10-11
    2 aayado
    72%

    10¶ Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay.

    11Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.

  • 39Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.

  • 7Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.

  • 10Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.

  • Sab 80:8-9
    2 aayado
    72%

    8Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.

    9Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.

  • 2Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?

  • 22Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid;

  • 21Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon;

  • 16Madaxii kuwii wax dubi jiray markuu arkay inuu fasirkaasu wanaagsanaa ayuu wuxuu Yuusuf ku yidhi, Aniguna waxaan riyadaydii ku arkay saddex dambiil oo kibis cadcadu ku jirto oo madaxayga saaran.

  • 5Markaasuu haddana seexday oo mar labaad riyooday, oo wuxuu arkay toddoba sabuul oo buurbuuran oo wanaagsan oo ka soo baxay isku jirid.

  • Yoox 15:4-5
    2 aayado
    71%

    4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.

    5Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.

  • 30¶ Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.

  • 2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

  • Ayuub 14:8-9
    2 aayado
    70%

    8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

    9Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.

  • 19Markaasaa malaa'igtii waxay manjadeedii ku soo tuurtay dhulka, oo waxay soo ururisay canabka dhulka, oo waxay ku tuurtay macsaraddii canabka oo weyn oo cadhada Ilaah.

  • 23Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.

  • 18Markaasaa Yuusuf u jawaabay oo ku yidhi, Fasirkeedii waa kan; saddexda dambiil waa saddex maalmood.

  • 11Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah, Dameerkiisa yarna canabka la doorto, Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri, Lebiskiisana dhiig canab.

  • 6Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.

  • 6Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.

  • 2¶ Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.

  • 21oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.

  • 7Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.