Bilowgii 40:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 40:13 : 13 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray.
  • Nex 2:1 : 1 ¶ Bishii Niisaan oo ahayd sannaddii labaatanaad oo boqor Artaxshasta, iyadoo khamri hor yaal isaga ayaan khamrigii qaaday oo boqorkii siiyey. Hadda ka hor anigu boqorka hortiisa caloolxumo kuma joogi jirin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 40:9-14
    6 aayado
    86%

    9Markaasaa madaxii kuwii khamriga keeni jiray riyadiisii Yuusuf u sheegay, oo wuxuu yidhi, Riyadaydii waxaan ku arkay geed canab ah oo i hor yaal.

    10Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil.

    11Koobkii Fircoonna gacantayduu ku jiray, markaasaan canabkii guray oo koobkii Fircoon ku tuujiyey, koobkiina waxaan u dhiibay gacantii Fircoon.

    12Markaasaa Yuusuf ku yidhi, Fasirkeedii waa kan: saddexda laamood waa saddex maalmood.

    13Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray.

    14Laakiinse waan ku baryayaaye, i soo xusuuso markay kuu hagaagto, oo ii roonow, oo Fircoon ii sheeg, oo gurigan iga bixi;

  • 20Maalintii saddexaad oo la xusuustay maalintii Fircoon dhashay ayuu addoommadiisii oo dhan diyaafad u sameeyey; markaasuu kor u qaaday madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii khamriga isaga siin jiray iyo madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii wax u dubi jiray oo addoommadiisa dhex joogay.

  • Bil 40:22-23
    2 aayado
    81%

    22laakiinse madaxii kuwii wax dubi jiray ayuu deldelay sidii Yuusuf ugu fasiray iyaga.

    23Laakiinse madaxii kuwii khamriga keeni jiray ma uu xusuusan Yuusuf, wuuse illoobay isagii.

  • Bil 40:1-5
    5 aayado
    80%

    1¶ Waxyaalahaas ka dib, kii boqorkii Masar khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray waxay xumeeyeen sayidkoodii ahaa boqorkii Masar.

    2Fircoonna aad buu ugu cadhaysnaa labadiisii sirkaal oo ahaa kii madaxa u ahaa kuwii khamriga siin jiray, iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax u dubi jiray.

    3Oo wuxuu iyagii ku xabbisay gurigii madaxa waardiyayaasha, xagga xabsiga gudihiisa oo ahaa meeshii Yuusuf ku xidhnaa.

    4Madaxii waardiyayaashuna Yuusuf amar buu u siiyey iyagii, wuuna u adeegi jiray iyagii; intii wakhti ahna xabsigay ku jireen.

    5Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

  • Bil 41:9-10
    2 aayado
    77%

    9Markaasaa waxaa Fircoon la hadlay kii madaxa u ahaa kuwa khamriga siin jiray isaga, oo wuxuu ku yidhi, Maantaan xusuustay dembiyadaydii.

    10Fircoonow, adigoo u cadhaysnaa addoommadaada, waxaad igu xabbistay guriga madaxa waardiyayaasha, oo waxaannu ahayn aniga iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax dubi jiray;

  • Bil 41:13-14
    2 aayado
    77%

    13Oo sidii uu noogu fasiray ayay noqotay. Aniga waxaa laygu soo celiyey meeshaydii, isagiina waa la deldelay.

    14Dabadeedna Fircoon baa u cid diray oo u yeedhay Yuusuf. Markaasay dhaqso uga soo bixiyeen godxabsigii; kolkaasuu xiirtay, oo dharkiisii beddeshay, oo uu u soo galay Fircoon.

  • Bil 41:40-43
    4 aayado
    74%

    40Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.

    41¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey.

    42Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay;

    43oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan.

  • 10laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

  • 22Kii xabsiga hayayna wuxuu Yuusuf gacanta u geliyey maxaabiistii xabsiga ku jirtay oo dhan; oo wax kastoo ay halkaas ku sameeyeenna, wuxuu ahaa kii sameeyey.

  • Bil 40:16-17
    2 aayado
    73%

    16Madaxii kuwii wax dubi jiray markuu arkay inuu fasirkaasu wanaagsanaa ayuu wuxuu Yuusuf ku yidhi, Aniguna waxaan riyadaydii ku arkay saddex dambiil oo kibis cadcadu ku jirto oo madaxayga saaran.

    17Oo dambiishii ugu wada sarreeyey waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnaa.

  • Bil 44:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid.

    2Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.

  • 4Isaguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey.

  • 17Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.

  • 25Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay.

  • 20Markaasaa Yuusuf sayidkiisii qabtay isagii, oo wuxuu geliyey xabsigii ahaa meeshii maxaabiista boqorku ku xidhnaayeen; oo isna halkaasuu ku jiray xabsigii gudihiisa.