Maahmaahyadii 13:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 13:19 : 19 Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
  • Yoox 16:22 : 22 Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.
  • Bil 21:6-7 : 6 Saarahna waxay tidhi, Ilaah waa iga qosliyey, qof kasta oo maqlaana waa ila qosli doonaa. 7 Oo waxay tidhi, Yaa Ibraahim ku odhan lahaa, Saarah carruur bay nuujin doontaa? Waayo, wiil baan u dhalay isaga oo da' weyn.
  • Bil 46:30 : 30 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.
  • 1 Sam 1:26-28 : 26 Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa. 27 Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga, 28 sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.
  • Sab 17:15 : 15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
  • Sab 40:2-3 : 2 Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey. 3 Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
  • Sab 69:3 : 3 Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
  • Sab 119:81-83 : 81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa. 82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis. 83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
  • Sab 143:7 : 7 Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
  • Maah 3:18 : 18 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
  • Maah 11:30 : 30 Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
  • Sab 42:1-3 : 1 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow. 2 Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa? 3 Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
  • Muj 22:2 : 2 iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin.
  • Hees 5:8 : 8 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.
  • Luuk 2:29-30 : 29 Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa, 30 Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

  • Ayuub 14:7-8
    2 aayado
    73%

    7Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.

    8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

  • 23Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.

  • 25Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.

  • 28Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.

  • 13Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.

  • 4Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.

  • 19Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.

  • 14Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.

  • 18Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

  • 13Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

  • 30Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

  • 25Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa, Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.

  • 12Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.

  • 12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

  • 3Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.

  • 12Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.

  • 30Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.

  • 21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

  • 11Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.

  • 5Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.

  • 12Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?

  • 10Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.

  • 15Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.

  • 7Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.

  • 7Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.

  • 22Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.

  • 24Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.

  • 5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

  • 4Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.

  • 16Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 13Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.

  • 5Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan.

  • Yer 17:7-8
    2 aayado
    68%

    7Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.

    8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

  • 4Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 16Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.

  • 14Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.

  • 9Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • 23Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa, Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!

  • 25Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.

  • 26Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.

  • 12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

  • 21Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.

  • 30Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.

  • 81Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.

  • 21Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.