Falimaha Rasuullada 25:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 25:14-17
    4 aayado
    81%

    14Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;

    15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

    16Iyagii waxaan ugu jawaabay oo ku idhi, Ma aha caadada reer Rooma in ninna xukumaad loo dhiibo intaan mudduciyaasha layska hor keenin muddacalayga oo la siin fursad uu isaga daafaco xaalka lagu ashtakeeyey.

    17Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.

  • Fal 23:28-30
    3 aayado
    79%

    28Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;

    29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

  • Fal 25:5-11
    7 aayado
    79%

    5Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.

    6Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.

    7Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.

    8Markii Bawlos isdaafacayay, ayuu wuxuu yidhi, Anigu innaba kuma dembaabin sharciga Yuhuudda ama macbudka iyo Kaysar toona.

    9Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?

    10Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.

    11Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.

  • Fal 25:19-21
    3 aayado
    78%

    19laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.

    20Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.

    21Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.

  • Fal 28:17-19
    3 aayado
    78%

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

    18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

    19Laakiin Yuhuuddu markay taas qilaafeen ayaa waxaa dirqi igu noqotay inaan Kaysar u ashtakoodo; taasuna ma ahaan inaan haystay wax aan quruuntayda ku dacwaynayo.

  • Fal 24:19-21
    3 aayado
    77%

    19kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan.

    20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

    21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

  • 13Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.

  • 30¶ Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.

  • Fal 25:23-27
    5 aayado
    75%

    23¶ Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.

    24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

    25Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.

    26Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro.

    27Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.

  • Fal 18:12-14
    3 aayado
    74%

    12¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,

    13Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.

    14Laakiin kolkii Bawlos u dhowaa inuu afkiisa kala qaado ayaa Galliyo Yuhuuddii ku yidhi, Kuwiinnan Yuhuudda ahow, xaajadii hadday tahay xaqdarro ama xumaan shar ah, sababtaas waan idiinku dulqaadan lahaa;

  • Fal 26:30-31
    2 aayado
    74%

    30¶ Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;

    31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

  • 8oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.

  • 14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.

  • 2¶ Boqor Agribbow, waxaan isku tirinayaa mid faraxsan inaan maanta hortaada isaga daafaco waxyaalihii ay Yuhuuddu igu soo dacweeyeen oo dhan;

  • 2Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen

  • 21Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato.

  • 2Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.

  • 29Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan?

  • 29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

  • 10¶ Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.

  • 20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

  • 15Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

  • 26Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon.

  • 6Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo.

  • 9Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.

  • 24ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii.