Falimaha Rasuullada 4:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 12:11-12 : 11 ¶ Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan. 12 Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.
  • Sab 16:3 : 3 Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
  • Sab 119:63 : 63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
  • Maah 13:20 : 20 Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
  • Mal 3:16 : 16 Markaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday.
  • Fal 1:13-14 : 13 Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub. 14 Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.
  • Fal 2:44-46 : 44 Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen; 45 oo intay iibiyeen waxyaalahoodii iyo alaabtoodiiba ayay dhammaan u wada qaybiyeen sidii nin kasta baahidiisu ahayd. 46 Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen.
  • 2 Kor 6:14-17 : 14 ¶ Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 17 Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.
  • Sab 42:4 : 4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
  • Fal 16:40 : 40 Oo markay xabsigii ka soo baxeen waxay galeen gurigii Ludiya, oo kolkay walaalihii arkeenna ayay dhiirigeliyeen oo ka tageen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 4:21-22
    2 aayado
    78%

    21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

    22Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

  • Fal 4:13-16
    4 aayado
    77%

    13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

    14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.

    15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

    16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • Fal 5:40-41
    2 aayado
    76%

    40¶ Markaasay ku raaceen isaga; oo intay rasuulladii u yeedheen, ayay garaaceen, oo waxay ku amreen inayan magaca Ciise ku hadlin, markaasay sii daayeen.

    41Markaasay shirkii hortiisii ka tageen, iyagoo ku faraxsan in lagu tiriyey inay istaahilaan in Magaca aawadiis loo maamuus jebiyo.

  • Mat 28:11-12
    2 aayado
    75%

    11¶ Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.

    12Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,

  • 33Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.

  • 4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

  • Fal 5:21-22
    2 aayado
    74%

    21Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.

    22Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,

  • 24Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

  • Fal 5:24-27
    4 aayado
    74%

    24Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.

    25Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane.

    26Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.

    27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

  • 6Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen.

  • 30¶ Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay, oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba.

  • 33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

  • 5¶ Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;

  • Fal 4:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,

    2iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.

    3Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.

  • 9Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.

  • 35¶ Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.

  • 53¶ Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo waayeelladii iyo culimmadii.

  • 14Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan,

  • 32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • Fal 4:18-19
    2 aayado
    71%

    18Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.

    19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;

  • 27¶ Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii.

  • 27Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.

  • Fal 4:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

    8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

  • 4Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay.

  • 21Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,

  • 39Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.

  • 31Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

  • 46Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.

  • 33Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray.

  • 22Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.

  • 9Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.

  • 57¶ Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimmada iyo waayeelladu ku urursanaayeen.

  • 66¶ Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,

  • 4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.

  • 10¶ Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray.