Markos 6:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay, oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 9:10 : 10 ¶ Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray.
  • Mat 10:2 : 2 ¶ Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,
  • Mark 6:7-9 : 7 ¶ Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan. 8 Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaadanina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina. 9 Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina. 10 Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 11 Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato. 12 Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan. 13 Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.
  • Luuk 17:5 : 5 ¶ Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi.
  • Luuk 22:14 : 14 ¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.
  • Luuk 24:10 : 10 Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.
  • Fal 1:1-2 : 1 ¶ Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro 2 ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.
  • Fal 1:26 : 26 Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.
  • Fal 20:18-21 : 18 Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray, 19 ¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay; 20 iyo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri, 21 anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • 1 Tim 4:12-16 : 12 Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba. 13 Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow. 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen. 15 Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo. 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
  • Titus 2:6-7 : 6 Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan. 7 Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,
  • 1 But 5:2-3 : 2 Ilaaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo. 3 Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.
  • Luuk 6:13 : 13 Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo;
  • Luuk 10:17 : 17 ¶ Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10¶ Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray.

  • Mark 6:31-35
    5 aayado
    76%

    31Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.

    32Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen.

    33Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen, oo magaalooyinka oo dhan ayay ka soo ordeen, wayna ka dheereeyeen.

    34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

  • 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • 4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

  • 23¶ Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.

  • 9Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.

  • 14Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan,

  • 46Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.

  • 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

  • 33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

  • 6¶ Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.

  • 3Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • Yoox 6:12-13
    2 aayado
    70%

    12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.

    13Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.

  • 16¶ Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.

  • 36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.

  • 16¶ Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.

  • 22Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen.

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • 13Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

  • 6Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen.

  • 13Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo;

  • Mark 6:12-13
    2 aayado
    69%

    12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.

    13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.

  • 35Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.

  • 1¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

  • 12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

  • 27Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.

  • 24Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.

  • 27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

  • 11¶ Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.

  • 30Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.

  • 22¶ Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.

  • 1¶ Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi,

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • 20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

  • 20¶ Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.

  • 4Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen,

  • 10¶ Goortuu keligiis ahaa kuwii la joogay iyo laba-iyo-tobankii wax bay masaalladii ka weyddiiyeen.

  • 21Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.

  • Mark 6:42-43
    2 aayado
    68%

    42Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen.

    43Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka.

  • 25Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane.