Falimaha Rasuullada 5:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 2:4 : 4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
  • Sab 33:10 : 10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
  • Maah 21:30 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
  • Bar 3:37 : 37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
  • Bar 3:55-58 : 55 Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay. 56 Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda. 57 Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan. 58 Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
  • Daan 3:11-25 : 11 iyo in mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, lagu dhex tuuri doono foorno dab ah oo ololaysa. 12 Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 13 Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii. 14 Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey? 15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa? 16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan. 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow. 18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray. 20 Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa. 21 Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 22 Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. 23 Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 24 Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow. 25 Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada.
  • Daan 6:22-24 : 22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin. 23 Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey. 24 Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.
  • Mat 27:63-66 : 63 oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa. 64 Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore. 65 Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin. 66 Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.
  • Mat 28:12-15 : 12 Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen, 13 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay. 14 Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa. 15 Markaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda.
  • Yoox 8:59 : 59 Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.
  • Fal 5:19 : 19 Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 5:18-22
    5 aayado
    85%

    18intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.

    19Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,

    20Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan.

    21Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.

    22Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,

  • Fal 5:24-27
    4 aayado
    77%

    24Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.

    25Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane.

    26Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.

    27¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,

  • Fal 16:26-28
    3 aayado
    77%

    26oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.

    27Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.

    28Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • Fal 16:23-24
    2 aayado
    74%

    23Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;

    24isaguna markuu amar caynkaas ah helay, wuxuu iyagii ku riday xabsigii ugu hooseeyey, cagahoodana qori buu aad ugu xidhay.

  • Fal 12:5-7
    3 aayado
    73%

    5Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.

    6¶ Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen.

    7Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen.

  • Fal 12:10-11
    2 aayado
    72%

    10Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.

    11¶ Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan.

  • Fal 16:35-40
    6 aayado
    72%

    35¶ Laakiin kolkii ay maalin noqotay ayaa xaakinnadii waxay direen saraakiishii oo leh, Nimankaas sii daa.

    36Markaasaa xabsihayihii hadalladaas u sheegay Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Xaakinnadii baa amar soo diray in laydin sii daayo; haddaba soo baxa oo nabad ku taga.

    37Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.

    38Haddaba saraakiishii baa hadalladaas u sheegay xaakinnadii; oo kolkay maqleen inay reer Rooma yihiin ayay baqeen.

    39Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.

    40Oo markay xabsigii ka soo baxeen waxay galeen gurigii Ludiya, oo kolkay walaalihii arkeenna ayay dhiirigeliyeen oo ka tageen.

  • Fal 12:18-19
    2 aayado
    72%

    18Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed.

    19Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.

  • 40Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.

  • Mat 28:13-14
    2 aayado
    71%

    13oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.

    14Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.

  • 7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

  • 21Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato.

  • 24Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.

  • 9Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.

  • 16Butros se wuxuu taagnaa albaabka agtiisa oo dibadda ah. Sidaa daraaddeed kii kale oo xerta ahaa oo wadaadka sare garanayay ayaa dibadda u soo baxay oo la hadlay tii albaabka ilaalinaysay, oo Butros ayuu soo geliyey.

  • 30Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay.

  • 16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.

  • 3Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.

  • 27Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.

  • 29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.

  • Fal 4:20-21
    2 aayado
    69%

    20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.

    21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

  • 9Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.

  • 12Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.

  • 11¶ Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.

  • 20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,

  • 3Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay;

  • 6Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,

  • 16¶ Oo markii aannu Rooma galnay ayaa Bawlos waxaa loo oggolaaday inuu keli ahaantiis u joogo isaga iyo askarigii dhawrayay.