Falimaha Rasuullada 8:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Simoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 8:6-7 : 6 Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey. 7 Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.
  • Fal 19:11 : 11 ¶ Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,
  • Yac 2:19-26 : 19 Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan. 20 Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin? 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada. 23 Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah. 24 Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya. 25 Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay? 26 Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.
  • Fal 8:21 : 21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana.
  • Fal 13:44 : 44 ¶ Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.
  • Sab 78:35-37 : 35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda. 36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen. 37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
  • Sab 106:12-13 : 12 Markaasay rumaysteen erayadiisii, Oo ammaantiisay ku gabyeen. 13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
  • Mark 16:17 : 17 Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,
  • Luuk 8:13 : 13 Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.
  • Yoox 2:23-25 : 23 ¶ Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey. 24 Laakiin Ciise qudhiisu iskuma hallayn iyaga, waayo dadka oo dhan ayuu yiqiin, 25 oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.
  • Yoox 5:20 : 20 Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan.
  • Yoox 7:21 : 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.
  • Yoox 8:30-31 : 30 Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga. 31 ¶ Sidaas aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi Yuhuuddii isaga rumaysatay, Haddaad ereygayga ku sii socotaan, runtii waxaad tihiin xertayda.
  • Fal 3:10 : 10 markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.
  • Xab 1:5 : 5 ¶ Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 8:5-12
    8 aayado
    82%

    5Markaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.

    6Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.

    7Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.

    8Magaaladaasna aad baa looga farxay.

    9¶ Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.

    10Isagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne.

    11Sababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.

    12Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.

  • Fal 8:14-15
    2 aayado
    76%

    14¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

    15kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;

  • Fal 8:35-40
    6 aayado
    75%

    35Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.

    36Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?

    37Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.

    38Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.

    39Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.

    40Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.

  • Fal 8:24-25
    2 aayado
    72%

    24Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

    25¶ Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • Fal 8:17-19
    3 aayado
    72%

    17Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

    18¶ Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,

    19isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.

  • Fal 9:42-43
    2 aayado
    70%

    42Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.

    43Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.

  • 43¶ Oo naf kasta cabsi baa gashay; oo rasuulladii waxay sameeyeen yaabab iyo calaamooyin badan.

  • 12Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.

  • Fal 8:29-31
    3 aayado
    68%

    29Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.

    30Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

    31Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.

  • 8¶ Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.

  • 43¶ Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 9Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.

  • 30Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga.

  • 41Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,

  • 16Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,

  • 42Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.

  • Fal 10:47-48
    2 aayado
    68%

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

    48Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

  • 39¶ Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.

  • 12¶ Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan.

  • 13markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros;

  • 23¶ Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.

  • 38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.

  • 5Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.

  • 16Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.

  • 13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

  • 3Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.

  • 14oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo

  • 40Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis.

  • 21Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.