Falimaha Rasuullada 8:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 6:6-7 : 6 Oo erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga. 7 Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba.
  • Sharc 11:18-20 : 18 Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada. 19 Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba. 20 Oo waa inaad iyaga ku qortaan tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba,
  • Sharc 17:18-19 : 18 Oo markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal, 19 oo naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan,
  • Yash 1:8 : 8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.
  • Sab 1:2-3 : 2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa. 3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
  • Sab 119:99 : 99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
  • Sab 119:111 : 111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
  • Maah 2:1-6 : 1 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid, 2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid; 3 Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid; 4 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon, 5 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah. 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
  • Maah 8:33-34 : 33 Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina. 34 Waxaa barakaysan ninka i maqla, Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra, Oo albaabbadayda igu suga.
  • Ish 1:1 : 1 ¶ Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
  • Luuk 3:4 : 4 siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.
  • Luuk 4:17 : 17 Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,
  • Yoox 5:39-40 : 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
  • Fal 17:11-12 : 11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale. 12 Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.
  • Fal 28:25 : 25 Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay,
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
  • 2 Tim 3:15-17 : 15 tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto. 16 Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; 17 in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 8:25-27
    3 aayado
    88%

    25¶ Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.

    26¶ Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.

    27Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.

  • Fal 8:29-40
    12 aayado
    84%

    29Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.

    30Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

    31Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.

    32Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;

    33Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.

    34¶ Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?

    35Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.

    36Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?

    37Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.

    38Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.

    39Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.

    40Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.

  • Fal 8:5-9
    5 aayado
    71%

    5Markaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.

    6Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.

    7Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.

    8Magaaladaasna aad baa looga farxay.

    9¶ Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.

  • Luuk 4:16-17
    2 aayado
    68%

    16¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

    17Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

  • 8Maalintii dambena waannu ka tagnay, oo waxaannu nimid Kaysariya; markaasaannu galnay gurigii Filibos oo ahaa kii wax wacdiyi jiray oo toddobadii ka mid ahaa, oo isagaannu la joognay.

  • 16Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.

  • 41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.

  • Fal 8:12-14
    3 aayado
    65%

    12Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.

    13Simoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey.

    14¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

  • 8Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey.

  • 28Markaasuu iyagii la joogay, isagoo la gelaya, kalana baxaya Yeruusaalem, geesinimona dadka ugu wacdiyaya magaca Rabbiga;

  • 64%

    35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

    36oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.

  • 32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.

  • Yoox 1:43-44
    2 aayado
    64%

    43¶ Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    44Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros.

  • 9¶ Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.

  • 9Markaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa.

  • 27Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;

  • 20¶ Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay.

  • 7Oo markaasuu arkay ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda, iyo ciidan dameerro fuushan, iyo ciidan rakuubbo fuushan, aad buuna u dhegaystay oo aad iyo aad buu uga fikiray.

  • 40¶ Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen.

  • 26Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?

  • 27Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.

  • 28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.

  • 23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

  • 11Oo intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada.

  • 32Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay?

  • 4Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,

  • 23Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi.

  • 30Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.