Luukos 18:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 9:8 : 8 Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?
  • Fal 3:2 : 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.
  • 1 Sam 2:8 : 8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.
  • Mat 20:29-34 : 29 ¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan. 30 Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 31 Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 32 Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo? 33 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa. 34 Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.
  • Mark 10:46-52 : 46 ¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay. 47 Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso. 48 Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso. 49 Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye. 50 Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid. 51 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. 52 Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.
  • Luuk 16:20-21 : 20 Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh, 21 oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.
  • Luuk 19:1 : 1 ¶ Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    36oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.

    37Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.

    38Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

    41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

    42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

    43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • 87%

    46¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.

    47Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    48Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

    49Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.

    50Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.

    51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

    52Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

  • Yoox 9:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.

    2Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?

  • Mark 8:22-25
    4 aayado
    82%

    22¶ Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.

    23Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?

    24Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda.

    25Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay.

  • Mat 20:29-30
    2 aayado
    79%

    29¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.

    30Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.

  • 8Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?

  • 1¶ Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo.

  • 27¶ Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala', iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso.

  • 34Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.

  • 14Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.

  • 6Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,

  • Yoox 9:13-14
    2 aayado
    75%

    13¶ Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii.

    14Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.

  • Mat 15:30-31
    2 aayado
    74%

    30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

    31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 74%

    30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

    31Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray.

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • Mat 20:32-34
    3 aayado
    74%

    32Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

    33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.

    34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

  • Yoox 9:25-26
    2 aayado
    73%

    25Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo.

    26Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?

  • 22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

  • 14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

  • 37¶ Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

  • 32Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indhala'aan ku dhashay.

  • 11Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay.

  • 39¶ Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.

  • 32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

  • 21laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.

  • 5Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,