Yooxanaa 9:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 8:3-8 : 3 Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen, 4 oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino. 5 Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada? 6 Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray. 7 Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro. 8 Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.
  • Yoox 11:46-47 : 46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey. 47 ¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.
  • Yoox 11:57 : 57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
  • Yoox 12:42 : 42 Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin,
  • Yoox 12:19 : 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 9:14-26
    13 aayado
    82%

    14Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.

    15Mar kale haddaba Farrisiintii waxay weyddiiyeen siduu araggiisa ku helay. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Dhoobuu indhahayga mariyey, oo aan maydhay, oo wax baan arkayaa.

    16Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.

    17Waxay haddaba ninkii indhaha la'aa ku yidhaahdeen, Maxaad ka leedahay isaga, waayo, waa kan indhahaaga furaye? Wuxuu ku yidhi, Waa nebi.

    18Sidaa aawadeed Yuhuuddu kama rumaysanin inuu indha la'aa, oo uu araggiisa helay, ilaa ay u yeedheen waalidkii kii araggiisa helay,

    19oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?

    20Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay,

    21laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.

    22Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro.

    23Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weyddiiya isaga.

    24¶ Haddaba mar labaad ayay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Ilaah ammaan. Waxaannu garanaynaa inuu ninkanu dembi leeyahaye.

    25Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo.

    26Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?

  • Yoox 9:6-12
    7 aayado
    81%

    6Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,

    7oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya.

    8Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?

    9Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay.

    10Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen?

    11Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay.

    12Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.

  • Yoox 9:1-3
    3 aayado
    80%

    1¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.

    2Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?

    3Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.

  • Mark 8:22-23
    2 aayado
    79%

    22¶ Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.

    23Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?

  • Yoox 9:39-41
    3 aayado
    78%

    39¶ Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.

    40Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay?

    41Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.

  • Yoox 9:32-35
    4 aayado
    77%

    32Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indhala'aan ku dhashay.

    33Ninkanu haddaanu xaggii Ilaah ka iman, waxba ma uu samayn kareen.

    34Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Dhammaantaaba dembiyo waad ku dhalatay ee ma wax baad na baraysaa? Kolkaasay dibadda ku tuureen.

    35¶ Ciise ayaa maqlay inay dibadda ku tuureen, wuuna helay oo ku yidhi, Wiilka Ilaah ma rumaysan tahay?

  • 30Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.

  • 35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

  • 73%

    50Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.

    51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

  • 12Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco?

  • 43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • 72%

    40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

    41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

  • 14Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.

  • 8Markaasaa Sawlos dhulkii ka kacay; markii indhihiisii furmeenna, waxba ma uu arkin; markaasay gacanta ku hageen oo Dimishaq keeneen.

  • 33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.

  • 18Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan.

  • 9Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday. Maalintaas waxay ahayd sabtidii.

  • 25Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay.

  • 3Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,

  • 11Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.

  • 22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

  • 32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.