Matayos 11:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 35:4-6 : 4 Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa. 5 Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa. 6 Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.
  • Ish 61:1-3 : 1 ¶ Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada, 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo, 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
  • Luuk 4:18 : 18 Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,
  • Yac 2:5 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?
  • Luuk 7:21-22 : 21 Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan. 22 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,
  • Yoox 14:11-12 : 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta. 12 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa.
  • Mat 15:30-31 : 30 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey. 31 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Mat 21:14 : 14 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.
  • Ish 42:6-7 : 6 Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa, 7 inaad kuwa indhaha la' indhaha u furtid, iyo inaad maxaabiista xabsiga ka soo bixisid, iyo inaad kuwa gudcurka fadhiya ka soo bixisid guriga xabsiga.
  • Ish 29:18 : 18 Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
  • Fal 14:8-9 : 8 ¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. 9 Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, 10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.
  • 2 Boq 5:14 : 14 Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
  • Sab 22:26 : 26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
  • Sab 72:12-13 : 12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn. 13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
  • Sab 146:8 : 8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
  • 2 Boq 5:7 : 7 Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.
  • Ish 43:8 : 8 Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.
  • Ish 66:2 : 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
  • Sak 11:7 : 7 Markaasaan daajiyey idaha la qalayo, oo sida xaqiiqada ah waxay ahaayeen idaha ugu miskiinsan. Oo waxaan soo qaatay laba ulood, oo mid waxaan u bixiyey Raallinimo, middii kalena waxaan u bixiyey Xidhiidh, oo idihii waan daajiyey.
  • Mat 5:3 : 3 ¶ Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.
  • Mat 8:1-4 : 1 ¶ Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay. 2 Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa. 3 Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday, 4 oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
  • Mat 9:24-25 : 24 wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen. 25 Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.
  • Mat 9:30 : 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
  • Mat 10:8 : 8 Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.
  • Fal 3:2-8 : 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado. 3 Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga. 4 Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo, intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg. 5 Markaasuu u fiirsaday iyaga, isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo. 6 Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco. 7 Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. 8 Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.
  • Fal 4:9-9 : 9 haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
  • Luuk 7:14-16 : 14 Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac. 15 Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis. 16 Kulligood baqdin baa ku wada dhacday, oo Ilaah bay ammaaneen iyagoo leh, Nebi weyn ayaa dhexdeenna ka kacay. Ilaahna waa soo booqday dadkiisa.
  • Mark 7:37 : 37 Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.
  • Mark 9:25 : 25 ¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.
  • Yoox 2:23 : 23 ¶ Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
  • Yoox 3:2 : 2 Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
  • Yoox 5:36 : 36 Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray.
  • Yoox 10:25 : 25 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,
  • Yoox 10:38 : 38 Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.
  • Yoox 11:43-44 : 43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax. 44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.
  • Fal 2:22 : 22 ¶ Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 7:21-22
    2 aayado
    90%

    21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

    22Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,

  • 4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

  • Mat 15:30-31
    2 aayado
    81%

    30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

    31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Luuk 4:17-19
    3 aayado
    79%

    17Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

    18Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,

    19Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.

  • Mat 10:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

    8Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.

  • 5Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa.

  • 14Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.

  • 6oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.

  • Mat 13:15-16
    2 aayado
    74%

    15Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

    16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

  • 22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

  • 11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

  • 13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,

  • 23¶ Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.

  • 15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 37Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.

  • 9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.

  • 35¶ Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

  • 45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • 16Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.

  • 35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

  • 2Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.

  • Mark 6:55-56
    2 aayado
    71%

    55Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo.

    56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • 20¶ Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh.

  • 71%

    51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

    52Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 2oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.

  • 43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • 14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

  • 25Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

  • 13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.

  • 49Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.

  • 17Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.

  • 8Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco.

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • 34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

  • 40¶ Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.

  • 26Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.

  • 41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.

  • 11¶ Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.

  • 1¶ Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,