Kolose 2:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wuxuu baabbi'iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 7:18 : 18 Waayo, amarkii hore waxaa loo buriyey itaaldarradiisii iyo faa'iidola'aantiisii,
  • Cib 10:8-9 : 8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. 9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago.
  • Ef 2:14-16 : 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada.
  • Kol 2:20 : 20 ¶ Haddii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada,
  • 1 But 2:24 : 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
  • Cib 8:13 : 13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.
  • Cib 9:9-9 : 9 Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa, 10 iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta.
  • Ish 44:22 : 22 Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.
  • Ish 57:14 : 14 ¶ Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.
  • Daan 5:7-8 : 7 ¶ Markaasaa boqorkii kor u qayliyey oo yidhi, Ii keena xiddigiyayaasha iyo kuwa reer Kaldayiin ah iyo kuwa wax sheega. Boqorkiina waa la hadlay raggii xigmadda lahaa ee Baabuloon oo ku yidhi, Ku alla kii fartan akhriya, oo fasirkeeda ii caddeeya, waxaa loo gelinayaa dhar guduudan, qoortana waxaa loo sudhayaa silsilad dahab ah, oo wuxuu noqon doonaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada. 8 ¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.
  • Sab 51:1 : 1 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
  • Sab 51:9 : 9 Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
  • Ish 43:25 : 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
  • Gal 4:1-4 : 1 ¶ Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba, 2 laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay. 3 Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida; 4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,
  • 2 Tes 2:7 : 7 Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga.
  • Luuk 1:6 : 6 Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.
  • Fal 3:19 : 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,
  • Tir 5:23 : 23 Oo wadaadkiina waa inuu habaarradaas buug ku qoraa, oo uu biyaha qadhaadhka ah ku baabbi'iyaa.
  • Nex 4:5 : 5 Oo xumaantoodana ha dedin, oo dembigoodana yaan hortaada laga tirtirin, waayo, kuwii wax dhisayay hortooda ayay kaaga xanaajiyeen.
  • Est 3:12 : 12 ¶ Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii.
  • Est 8:8 : 8 Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Isagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.

  • Kol 2:10-13
    4 aayado
    82%

    10oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.

    11Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.

    12Idinka waxaa isaga laydinkula aasay baabtiiska, kaas oo isaga laydinkula soo kiciyey xagga rumaysadka aad u qabtaan xoogga Ilaah oo shaqeeya oo isaga kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.

    13Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.

  • Ef 2:13-17
    5 aayado
    80%

    13Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa.

    14Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe,

    15isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya,

    16iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada.

    17Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey,

  • Kol 1:13-14
    2 aayado
    75%

    13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,

    14kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.

  • 20¶ Haddii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada,

  • Kol 1:20-22
    3 aayado
    74%

    20iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.

    21Idinku waa hore waxaad ahaydeen kuwo ajanabi laga dhigay, oo maankiinnana cadow baad ka ahaydeen xagga shuqulladiinna sharka ah,

    22laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn,

  • 13Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay,

  • 24Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.

  • 72%

    7Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.

  • 10Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa,

  • Room 6:6-7
    2 aayado
    72%

    6Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga.

    7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.

  • 14Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.

  • 71%

    1¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,

  • Room 3:24-25
    2 aayado
    71%

    24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

    25kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah;

  • 6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.

  • 24Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.

  • 1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

  • 11¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab.

  • Kol 3:7-8
    2 aayado
    70%

    7Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen.

    8Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.

  • 13Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela:

  • 11Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.

  • 20ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa.

  • Room 8:2-3
    2 aayado
    69%

    2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

    3Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,

  • 14Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,

  • 12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

  • 30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,

  • 68%

    5oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen.

  • Gal 2:19-20
    2 aayado
    68%

    19Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.

    20Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.

  • 10oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.

  • 32oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.

  • 22Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada;

  • 68%

    7si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix.

  • 14Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday.

  • 14Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.

  • 68%

    3Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.