Daaniyeel 10:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

jidhkiisuna wuxuu u ekaa berullos, wejigiisuna wuxuu u ekaa hillaac, indhihiisuna waxay u ekaayeen laambado dab ah, gacmihiisa iyo cagihiisuna waxay midabka uga ekaayeen naxaas la safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa dad faro badan buuqood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 19:12 : 12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.
  • Yex 1:14 : 14 Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.
  • Yex 1:16 : 16 Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
  • Yex 1:24 : 24 Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen.
  • Yex 10:9 : 9 Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.
  • Mat 17:2 : 2 Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.
  • Luuk 9:29 : 29 oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.
  • Muj 1:13-17 : 13 Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah. 14 Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis, 15 oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan. 16 Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa. 17 Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay. Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxuu igu yidhi, Ha cabsan. Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya,
  • Muj 10:1 : 1 ¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,
  • Muj 10:3-4 : 3 oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen. 4 Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin.
  • Muj 21:20 : 20 kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos.
  • Bax 28:20 : 20 safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.
  • Yex 1:7 : 7 Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 1:13-16
    4 aayado
    79%

    13Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah.

    14Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis,

    15oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan.

    16Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa.

  • 2Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa.

  • Yex 1:26-28
    3 aayado
    79%

    26Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.

    27Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.

    28Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.

  • 5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • Daan 10:7-10
    4 aayado
    74%

    7Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.

    8Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay.

    9Oo codkiisiina waan maqlay, oo markaan maqlay codkiisii ayaan hurdo culus wejiga ula dhacay, wejigana dhulkaan saaray.

    10Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay.

  • Daan 7:8-11
    4 aayado
    73%

    8Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.

    9Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya.

    10Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.

    11Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.

  • 1¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,

  • 7Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.

  • Yex 1:13-14
    2 aayado
    73%

    13Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.

    14Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.

  • 3Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.

  • Daan 2:31-32
    2 aayado
    72%

    31Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.

    32Ekaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.

  • 16Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.

  • 15¶ Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.

  • 1¶ Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.

  • 13Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay.

  • Yex 1:4-5
    2 aayado
    70%

    4¶ Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.

    5Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.

  • 14Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.

  • 3oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud.

  • 9Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.

  • 4Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka, Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya. Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.

  • 20iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.

  • 17Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

  • 9Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.

  • 7Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.

  • 12Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

  • 3Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.

  • 16Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.

  • 4Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey.

  • 2Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.

  • 12Oo jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan.

  • 10Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.

  • 18Markaasaa haddana waxaa i taabtay mid binu-aadmiga u eg, wuuna i xoogeeyey.

  • 18¶ Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

  • 6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.