Daaniyeel 11:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dadka faraha badanna waa la qaadi doonaa, qalbigiisuna wuu kibri doonaa; oo tobanyaal kun buu hoos u tuuri doonaa, mase adkaan doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 8:14 : 14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
  • 2 Boq 14:10 : 10 Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
  • 2 Taar 25:19 : 19 Waxaad leedahay, Bal eeg, waxaan laayay reer Edom, oo sidaas daraaddeed waad isla weynaatay, waadna faanaysaa, haddaba gurigaaga iska joog. Bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
  • 2 Taar 26:16 : 16 ¶ Laakiinse markuu xoogaystay ayuu isla weynaaday ilaa uu halligmay, oo wuxuu ku xadgudbay Rabbiga Ilaahiisa ah, waayo, macbudkii Rabbiga ayuu u galay inuu foox ku shido girgirihii fooxa.
  • 2 Taar 32:25 : 25 Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.
  • Maah 16:18 : 18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
  • Ish 10:7-9 : 7 Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn. 8 Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha? 9 Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale? 10 Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya, 11 iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin? 12 ¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.
  • Yex 28:2 : 2 Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.
  • Yex 28:5 : 5 Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.
  • Yex 28:17 : 17 Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.
  • Daan 5:19-20 : 19 oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey. 20 Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday.
  • Daan 5:23 : 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
  • Daan 8:25 : 25 Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin.
  • Xab 2:4-6 : 4 Bal eega, kan madaxa weynaaday naftiisii way kibirtay, oo ma toosna, laakiinse kii xaq ahu rumaysadkiisa buu ku noolaan doonaa. 5 Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan. 6 Kuwan oo dhammu sow isaga kuma halqabsan doonaan? Oo sow maahmaahyo kuma quudhsan doonaan? Waxay odhan doonaan, Waxaa iska hoogay kan urursada wax uusan isagu lahayn! Bal ilaa goorma? Waxaa iska hoogay kan rahaamado isku rara!
  • Fal 12:22-23 : 22 Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis. 23 Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.
  • 1 Tim 3:6 : 6 Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye.
  • 1 But 5:5 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 11:4-11
    8 aayado
    84%

    4Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.

    5Oo boqorka koonfureed ayaa xoog yeelan doona, oo mid amiirradiisa ka mid ah ayaa ka sii xoog badnaan doona, wuxuuna yeelan doonaa dowladnimo, oo dowladnimadiisuna waxay noqon doontaa dowladnimo weyn.

    6Sannado dabadoodna way isku darsami doonaan kulligood, oo boqorka koonfureed gabadhiisa ayaa u iman doonta boqorka woqooyi inay heshiis la dhigato; laakiinse gacanteedu xoog ma sii yeelan doonto; isaga iyo gacantiisuna sii ma taagnaan doonaan, laakiinse waa la sii dayn doonaa iyada, iyo kuwii keenay, iyo kii dhalay, iyo kii waayahaas iyada xoogayn jirayba.

    7Laakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa.

    8Oo weliba wuxuu xagga Masar qaadan doonaa ilaahyadooda, iyo sanamyadooda la shubay, iyo weelashoodii wanaagsanaa ee laga sameeyey lacagta iyo dahabka, oo intii dhawr sannadood ah ayuu ka hadhi doonaa boqorka woqooyi.

    9Oo wuxuu iman doonaa boqortooyada boqorka koonfureed, laakiin waddankiisuu ku noqon doonaa.

    10Wiilashiisuna way dagaallami doonaan, oo waxay urursan doonaan ciidan faro badan oo imanaya, oo dhulka qarqinaya, oo dhex maraya, markaasuu soo noqon doonaa oo la dagaallami doonaa ilaa qalcaddiisa.

    11Oo boqorka koonfureed wuu cadhoon doonaa, kolkaasuu soo bixi doonaa oo la dagaallami doonaa boqorka woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan, dadka faraha badanna isagaa gacanta loo gelin doonaa.

  • Daan 11:13-31
    19 aayado
    82%

    13Oo markaasaa waxaa soo noqon doona boqorkii woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan oo kuwii hore ka sii badan; oo sannado dabadood wuxuu la iman doonaa ciidan badan iyo maal badan.

    14Oo wakhtigaasna dad badan baa ka gees noqon doona boqorka koonfureed; oo weliba kuwa wax dulma oo dadkaaga ku dhex jira ayaa kici doona si ay riyadu u dhisanto; laakiinse way dhici doonaan.

    15Sidaasuu boqorkii woqooyi u iman doonaa, oo tuulmo buu tuuli doonaa, oo magaalo deyr lehna wuu qaadan doonaa, ciidanka koonfureedna isma hor taagi doonaan, iyo dadkiisa uu doortay toona, oo xoog ay isku hor taagaanna ma jiri doono.

    16Laakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in.

    17Inuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto.

    18Taas dabadeedna wuxuu u jeesan doonaa xagga gasiiradaha, kuwo badanna wuu qaadan doonaa, laakiinse mid amiir ah ayaa caydii uu caayay joojin doona; oo weliba caydiisii isaguu ku celin doonaa.

    19Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.

    20Dabadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal.

    21Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.

    22Oo iyaga hortiisa ayaa laga xaaqi doonaa, sida daadku wax u qarqiyo oo kale, waana la jebin doonaa iyagii, iyo weliba amiirkii axdigaba.

    23Oo markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa.

    24Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.

    25Markaasuu xooggiisa iyo geesinimadiisa ku kicin doonaa boqorka koonfureed, isagoo ciidan badan wata, boqorka koonfureedna isaguu la dagaallami doona isagoo wata ciidan aad u xoog badan, laakiinse isma uu taagi doono, maxaa yeelay, wax ka gees ah bay ku fikiri doonaan.

    26Oo kuwii quudkiisii cunay ayaa jebin doona isaga, oo ciidankiisuna dalkuu qarqin doonaa, oo kuwo badan baa dhici doona iyagoo la laayay.

    27Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.

    28Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.

    29Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,

    30waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.

    31Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.

  • 78%

    36¶ Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.

    37Umana fiirsan doono ilaahyadii awowayaashiis, ama waxa dumarku jecel yihiin, oo ilaahna uma fiirsan doono, waayo, wuu iska weynaysiin doonaa wax kasta.

    38Laakiinse meeshiisuu ku cisayn doonaa ilaaha qalcadaha; oo ilaah aanay awowayaashiis garanayn ayuu ku cisayn doonaa dahab iyo lacag iyo dhagaxyo qaali ah, iyo waxyaalo fiican.

    39Oo ilaah qalaad caawimaaddiis ayuu wax ku samayn doonaa qalcadaha ugu xoogga badan, oo mid kasta oo isaga aqoonsada wuxuu u kordhin doonaa ammaan; wuxuuna ka dhigi doonaa inay xukumaan kuwo badan, dhulkana abaal buu ugu kala qaybin doonaa.

    40Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.

    41Wuxuu kaloo dhex geli doonaa dhulka quruxda leh, oo waddammo badan oo kalena waa la afgembiyi doonaa, laakiin waxaa gacantiisa laga samatabbixin doonaa Edom, iyo Moo'aab, iyo kuwa waaweyn oo reer Cammoon.

    42Oo haddana gacantiisuu waddammada ku fidin doonaa, oo dalka Masarna ma baxsan doono.

  • 77%

    44Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo.

    45Oo wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.

  • Daan 8:24-25
    2 aayado
    75%

    24Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah.

    25Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin.

  • 7Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn.

  • 20Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday.

  • 12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

  • 17Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo.

  • 9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.

  • Daan 8:10-11
    2 aayado
    71%

    10Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.

    11Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.

  • 22Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.

  • 34Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.

  • 31Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya?

  • 25Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.

  • 11Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.