Daaniyeel 5:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 13:18 : 18 Oo boqorka iyo hooyadiisa boqoradda ahba waxaad ku tidhaahdaa, Is-hoosaysiiya, waayo, taajkii sharaftiinnu hoos buu madaxa uga soo dhacay.
  • Bax 9:17 : 17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
  • 2 Boq 17:14 : 14 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.
  • 2 Taar 36:13 : 13 Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Ayuub 40:11-12 : 11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji. 12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
  • Maah 16:5 : 5 Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.
  • Maah 16:18 : 18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
  • Ish 14:12-17 : 12 Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday! 13 Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal. 14 Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale. 15 Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska. 16 Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay, 17 oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?
  • Ish 47:1 : 1 ¶ Gabadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan.
  • Ayuub 15:25-27 : 25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay, Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa. 26 Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin. 27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay, Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,
  • Bax 18:11 : 11 Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.
  • 1 Sam 6:6 : 6 Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?
  • Yer 19:15 : 15 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
  • Yer 48:18 : 18 Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.
  • Yex 30:6 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Daan 4:30-33 : 30 Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga? 31 Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay. 32 Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo. 33 Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed.
  • Daan 4:37 : 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
  • Luuk 1:51-52 : 51 Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa, Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey. 52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
  • Luuk 18:14 : 14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Cib 3:13 : 13 Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 5:21-24
    4 aayado
    81%

    21Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo.

    22¶ Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd;

    23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;

    24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.

  • Daan 5:18-19
    2 aayado
    78%

    18¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,

    19oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey.

  • Daan 4:36-37
    2 aayado
    74%

    36Isla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray.

    37Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.

  • 17Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.

  • 12Oo dadka faraha badanna waa la qaadi doonaa, qalbigiisuna wuu kibri doonaa; oo tobanyaal kun buu hoos u tuuri doonaa, mase adkaan doono.

  • Daan 4:30-32
    3 aayado
    73%

    30Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga?

    31Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

    32Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

  • 3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

  • 26Sayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii.

  • Yex 31:10-11
    2 aayado
    73%

    10¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,

    11sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.

  • 25Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

  • 36¶ Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.

  • 6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

  • 15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 19Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.

  • 13Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey.

  • 19Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.

  • 4Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.

  • 34Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.

  • 44Iftiinkiisii waad demisay, Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.

  • 6In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,

  • 16¶ Laakiinse markuu xoogaystay ayuu isla weynaaday ilaa uu halligmay, oo wuxuu ku xadgudbay Rabbiga Ilaahiisa ah, waayo, macbudkii Rabbiga ayuu u galay inuu foox ku shido girgirihii fooxa.

  • 11Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.

  • Daan 4:22-23
    2 aayado
    70%

    22waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

    23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

  • 70%

    19Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.

    20Dabadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal.

  • 11Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.

  • Ish 2:11-12
    2 aayado
    70%

    11¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

    12Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,

  • 70%

    25Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.

    26Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.

  • Daan 4:16-17
    2 aayado
    70%

    16Qalbigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen.

    17Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.

  • 11Markaas sida dabayl buu u dhaafi doonaa, oo wuu sii gudbi doonaa, oo dembi buu lahaan doonaa kan xooggiisu ilaah u yahay.

  • 17Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

  • 34Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac;

  • 5Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.

  • 18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

  • 26Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.

  • 12Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.

  • 12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.