Ishacyaah 2:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 18:27 : 27 Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
  • Ish 5:15-16 : 15 Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa, 16 laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.
  • Ish 12:4 : 4 Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.
  • Ish 24:21 : 21 ¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.
  • Yer 30:7-8 : 7 Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas. 8 ¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,
  • Yer 50:31-32 : 31 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa. 32 Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.
  • Ish 13:11 : 11 Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.
  • Mal 4:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.
  • Ish 2:17 : 17 Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
  • Miik 4:6 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.
  • Miik 5:10 : 10 ¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa.
  • Miik 7:11-12 : 11 Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa. 12 Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.
  • Saf 3:11 : 11 ¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.
  • Saf 3:16 : 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin.
  • Sak 9:16 : 16 Oo wakhtigaas ayaa Rabbiga Ilaahooda ahu dadkiisa badbaadin doonaa sida iyagoo idihiisa ah, waayo, waxay ahaan doonaan sida dhagxan qaali ah oo taaj ku jira oo dalkiisa ka kor dhalaalaya.
  • Ish 4:1 : 1 ¶ Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.
  • Ish 11:10-11 : 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa. 11 ¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
  • Ish 12:1 : 1 ¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
  • Luuk 18:14 : 14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • 1 Kor 1:29-31 : 29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa. 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada, 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
  • 2 Kor 10:5 : 5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
  • 2 Kor 10:17 : 17 ¶ Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
  • 1 But 5:5 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • Ayuub 40:10-12 : 10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad. 11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji. 12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
  • Yex 38:14 : 14 ¶ Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?
  • Yex 38:19 : 19 Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,
  • Yex 39:11 : 11 ¶ Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.
  • Yex 39:22 : 22 Oo maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
  • Hos 2:16 : 16 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Hos 2:18 : 18 Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan.
  • Hos 2:21 : 21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka.
  • Yoel 3:18 : 18 Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.
  • Aam 9:11 : 11 ¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,
  • Coba 1:8 : 8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw?
  • Ish 25:9 : 9 ¶ Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa.
  • Ish 26:1 : 1 ¶ Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado.
  • Ish 27:1-2 : 1 ¶ Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira. 2 ¶ Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.
  • Ish 27:12-13 : 12 ¶ Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa. 13 ¶ Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.
  • Ish 28:5 : 5 Oo wakhtigaas Rabbiga ciidammadu wuxuu kuwa dadkiisa ka hadhay u ahaan doonaa taaj sharaf ah, iyo cigaal quruxsan,
  • Ish 29:18 : 18 Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
  • Ish 30:23 : 23 Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.
  • Ish 37:23 : 23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • Ish 52:6 : 6 Sidaas daraaddeed dadkaygu magacaygay aqoonsan doonaan, oo sidaas daraaddeed waxay maalintaas garan doonaan inaan anigu ahay kan hadla, bal eega, waa i kane.
  • Yer 9:24 : 24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 2:17-19
    3 aayado
    94%

    17Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

    18Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.

    19Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.

  • Ish 2:12-13
    2 aayado
    90%

    12Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,

    13iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,

  • Ish 5:15-16
    2 aayado
    87%

    15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

    16laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.

  • Ish 2:9-10
    2 aayado
    81%

    9Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.

    10¶ Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.

  • 33¶ Bal eega, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu laamaha u gooyn doonaa si aad loogaga cabsado, oo kuwa waaweynna waa la jari doonaa, oo kuwa dhaadheerna waa la ridi doonaa.

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 5Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.

  • 77%

    11Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.

    12Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.

  • 6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

  • 12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • Coba 1:3-4
    2 aayado
    76%

    3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

    4In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 10Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.

  • Saf 2:10-11
    2 aayado
    75%

    10Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.

    11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

  • 12Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.

  • 2Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.

  • 6Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.

  • 27Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.

  • 3Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama.

  • Yer 50:31-32
    2 aayado
    74%

    31Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.

    32Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.

  • 21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

  • 28Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa; Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.

  • 9Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.

  • 15¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.

  • 26Sayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii.

  • 11Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.

  • 3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

  • 9¶ Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,

  • 16Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.

  • 7Oo maalintaas nin baa wuxuu fiirin doonaa Abuurihiisii, oo indhihiisuna waxay u jeedsan doonaan Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 72%

    18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

    19In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.

  • 9Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.

  • 4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

  • 18Oo boqorka iyo hooyadiisa boqoradda ahba waxaad ku tidhaahdaa, Is-hoosaysiiya, waayo, taajkii sharaftiinnu hoos buu madaxa uga soo dhacay.

  • 29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.