Ishacyaah 17:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo maalintaas nin baa wuxuu fiirin doonaa Abuurihiisii, oo indhihiisuna waxay u jeedsan doonaan Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 6:1 : 1 ¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.
  • Miik 7:7 : 7 ¶ Laakiinse anigu Rabbigaan dhawrayaa, oo Ilaaha badbaadadayda waan sugayaa. Ilaahay wuu i maqli doonaa.
  • Hos 3:5 : 5 Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.
  • Hos 14:1-3 : 1 ¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen. 2 Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga. 3 Reer Ashuur na badbaadin maayo, oo annagu fardo fuuli mayno, oo weliba sancada gacmahayagana mar dambe ku odhan mayno, Waxaad tihiin ilaahayo. Waayo, agoontu adigay naxariis kaa helaan.
  • Xaak 10:15-16 : 15 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi. 16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
  • 2 Taar 30:10-11 : 10 Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday. 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
  • 2 Taar 30:18-20 : 18 Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii 19 qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah. 20 Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.
  • 2 Taar 31:1 : 1 ¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.
  • 2 Taar 35:17-18 : 17 Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah. 18 Oo Iiddaas Kormaridda mid la mid ah dalka Israa'iil laguma iidin tan iyo wakhtigii Nebi Samuu'eel, oo boqorradii reer binu Israa'iilna midkoodna ma uu iidin Iiddii Kormaridda siday u iideen Yoosiyaah, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iil ee joogay oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.
  • Ish 10:20-21 : 20 ¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil. 21 Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.
  • Ish 19:22 : 22 Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.
  • Ish 22:11 : 11 Oo weliba biyihii balligii hore waxaad biyoxidheen uga samayseen labada derbi dhexdooda laakiinse ma aydaan fiirin kii waxan sameeyey, mana aydaan u jeedsan kii waa hore sameeyey.
  • Ish 24:14-15 : 14 Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan. 15 Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.
  • Ish 29:18-19 : 18 Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan. 19 Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
  • Ish 29:24 : 24 Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.
  • Yer 3:12-14 : 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 3:18-23 : 18 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey. 19 Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen. 21 Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa. 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah. 23 Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah.
  • Yer 31:4-9 : 4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya. 5 Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan. 6 Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee. 7 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi. 8 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan. 9 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii. 10 ¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 17:8-9
    2 aayado
    85%

    8Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.

    9Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.

  • 6Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • 2¶ Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.

  • 20¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.

  • 23Laakiinse carruurtiisu markay dhexdooda ku arkaan shuqulka gacmahayga ayay magacayga quduus ka dhigi doonaan, oo waxay quduus ka dhigi doonaan kan Quduuska ah ee reer Yacquub, oo waxay ka cabsan doonaan Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • Ish 31:6-7
    2 aayado
    72%

    6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

    7Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.

  • Ish 29:17-18
    2 aayado
    72%

    17Sow in yaru kama hadhin intay Lubnaan beer midho badan u rogman doonto, oo beerta midhaha badanna duud oo kale lagu tirin doono?

    18Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.

  • 20in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.

  • 11¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

  • 17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,

  • 7¶ Laakiinse anigu Rabbigaan dhawrayaa, oo Ilaaha badbaadadayda waan sugayaa. Ilaahay wuu i maqli doonaa.

  • 17Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.

  • Yer 17:5-7
    3 aayado
    70%

    5¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay.

    6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.

    7Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.

  • Sab 123:1-2
    2 aayado
    70%

    1Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.

    2Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto.

  • 10Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

  • 17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.

  • 2Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.

  • 23Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 17Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 18Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,

  • 5Oo wakhtigaas Rabbiga ciidammadu wuxuu kuwa dadkiisa ka hadhay u ahaan doonaa taaj sharaf ah, iyo cigaal quruxsan,

  • 25Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.

  • 16Oo mar dambena siima ay ahaan doonto kalsoonidii reer binu Israa'iil taasoo xumaantoodii soo xusuusisa markay xaggooda fiiriyaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.

  • 7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.

  • 17Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,

  • 6Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.

  • 17Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.

  • 18¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.

  • 22Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 7laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.

  • 21Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

  • 9Waayo, dhagaxyada dushooda ayaan ka arkaa, Oo xagga buuraha ayaan uga jeedaa, Oo bal eeg, waa dad gooni u deggan, Iyagana quruumaha kale laguma tirin doono.

  • 21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,

  • 5Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?

  • 18Oo anna hubaal maalintaas wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay, iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale.

  • 50Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.