Yacquub 4:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 23:12 : 12 Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Sab 113:7 : 7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
  • Sab 147:6 : 6 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
  • Ayuub 22:29 : 29 Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.
  • Luuk 14:11 : 11 Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Yac 4:6-7 : 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye.
  • 1 But 5:6 : 6 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.
  • Luuk 18:14 : 14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Sab 27:6 : 6 Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
  • Luuk 1:52 : 52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
  • Sab 28:9 : 9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
  • Sab 30:1 : 1 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
  • 1 Sam 2:9 : 9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 But 5:5-6
    2 aayado
    83%

    5Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.

    6¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.

  • Mat 23:11-12
    2 aayado
    80%

    11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

    12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 79%

    10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.

    11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • Yac 4:6-9
    4 aayado
    79%

    6Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.

    7Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye.

    8U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya.

    9Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo.

  • 15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

  • 6Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.

  • 9¶ Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,

  • Sab 113:6-7
    2 aayado
    76%

    6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

    7Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,

  • 29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

  • Ish 2:9-12
    4 aayado
    76%

    9Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.

    10¶ Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.

    11¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

    12Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 11Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.

  • 4Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.

  • 2Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.

  • 7Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

  • 14Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 7Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • 12Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.

  • 72%

    11Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.

    12Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.

  • 72%

    18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

    19In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.

  • 34Hubaal kuwa wax quudhsada ayuu isagu quudhsadaa, Kuwa is-hoosaysiiyase nicmuu siiyaa.

  • 33Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.

  • 2Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.

  • 17Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.

  • 27Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.

  • 12Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.

  • 28Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa; Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.

  • 7Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.

  • 52Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.

  • 4Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,

  • 32Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.

  • 10Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.

  • 16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.

  • 11¶ Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma.

  • 15Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.

  • 5Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.