Matayos 18:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 23:11-12 : 11 Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna. 12 Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Mark 10:43 : 43 Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,
  • Luuk 9:48 : 48 markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.
  • Luuk 14:11 : 11 Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Yac 4:10 : 10 Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.
  • 1 But 5:5 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • Sab 131:1-2 : 1 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan. 2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
  • Ish 57:15 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.
  • Mat 18:1 : 1 ¶ Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn?
  • Mat 20:26-27 : 26 Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado, 27 oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 18:5-6
    2 aayado
    85%

    5oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.

    6¶ Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo.

  • 85%

    14Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

    15¶ Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.

    16Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.

    17Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

  • Mat 18:1-3
    3 aayado
    85%

    1¶ Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn?

    2Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi,

    3Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan.

  • 84%

    13¶ Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay.

    14Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.

    15Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

    16Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.

  • Luuk 9:46-48
    3 aayado
    81%

    46¶ Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.

    47Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey,

    48markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.

  • Mark 9:34-37
    4 aayado
    79%

    34Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn.

    35Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa.

    36Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi,

    37Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.

  • Mat 23:11-12
    2 aayado
    78%

    11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

    12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • Mat 19:13-14
    2 aayado
    77%

    13¶ Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay.

    14Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada.

  • 10¶ Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.

  • 73%

    43Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,

    44oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado.

  • 73%

    10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.

    11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 11¶ Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn.

  • Mat 20:26-27
    2 aayado
    72%

    26Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,

    27oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,

  • 72%

    26Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.

    27Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.

  • 19Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada.

  • 42¶ Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

  • 5Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.

  • 10Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.

  • 14Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

  • 28Waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa ka weyn ma jiro, laakiin kan boqortooyada Ilaah ugu yar ayaa ka weyn.

  • 31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

  • 9Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.

  • 2In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

  • 3¶ Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

  • 31Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

  • 32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

  • 16oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?

  • 4Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira.

  • 6¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.

  • 12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.