Daaniyeel 2:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Daanyeelna waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh magaca Ilaah weligiis iyo weligiis; waayo, isagaa leh xigmad iyo xoogba;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 113:2 : 2 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
  • Sab 115:18 : 18 Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba. Rabbiga ammaana.
  • Sab 145:1-2 : 1 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba. 2 Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
  • Yer 32:19 : 19 Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen.
  • Daan 2:21-23 : 21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta. 22 Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa. 23 Waan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka.
  • 1 Taar 29:10-12 : 10 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato. 11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya. 12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta.
  • Ayuub 12:13 : 13 Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
  • Ayuub 12:16-22 : 16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh. 17 Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa. 18 Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa. 19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa. 20 Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa. 21 Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa. 22 Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
  • Sab 103:1-2 : 1 Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah. 2 Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
  • Sab 41:13 : 13 Weligiis iyo weligiisba Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil. Aamiin iyo Aamiin.
  • Sab 50:23 : 23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
  • Sab 62:11 : 11 Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,
  • Sab 72:18-19 : 18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan, 19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.
  • 1 Taar 29:20 : 20 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.
  • 2 Taar 20:21 : 21 Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
  • Bil 14:20 : 20 Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.
  • 1 Boq 8:56 : 56 Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.
  • Mat 6:13 : 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
  • Yuud 1:24 : 24 ¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
  • Muj 5:12 : 12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.
  • Sab 147:5 : 5 Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
  • Maah 8:14 : 14 Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 2:18-19
    2 aayado
    82%

    18inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.

    19Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.

  • Daan 2:21-23
    3 aayado
    78%

    21oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.

    22Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.

    23Waan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka.

  • Daan 2:47-48
    2 aayado
    76%

    47Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.

    48Markaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan.

  • Daan 6:20-21
    2 aayado
    75%

    20Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo?

    21Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow.

  • Daan 6:26-28
    3 aayado
    75%

    26Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta.

    27Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.

    28Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.

  • 2Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.

  • Daan 4:34-35
    2 aayado
    74%

    34Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac;

    35oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?

  • 37Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.

  • 12iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.

  • 73%

    12Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta.

    13Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.

  • Daan 2:26-28
    3 aayado
    73%

    26Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?

    27Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;

    28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

  • 14Waxaa la iiga kaa sheegay inuu ruuxa ilaahyadu kugu jiro, oo lagaa dhex helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad aad iyo aad u wanaagsan.

  • 17Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.

  • Daan 5:17-18
    2 aayado
    71%

    17¶ Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.

    18¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,

  • 3Calaamadihiisu waaweynaa! Yaababkiisuna xoog badanaa! Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, dowladnimadiisuna waa mid jiraysa fac ilaa fac.

  • Sab 145:1-2
    2 aayado
    71%

    1Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.

    2Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.

  • Daan 1:20-21
    2 aayado
    71%

    20Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.

    21Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.

  • 9Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.

  • Daan 5:11-12
    2 aayado
    70%

    11Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega;

    12maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.

  • 22Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan.

  • 6Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow.

  • 10Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray.

  • 19Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.

  • 8Laakiinse ugu dambaystii waxaa i hor yimid Daanyeel, oo la odhan jiray Beelteshaasar, sida magaca ilaahay, oo ilaahyada quduuskaa ruuxoodu ku jiro; markaasaan riyadii ku hor sheegay isagii, oo ku idhi,

  • 10¶ Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato.

  • 9Oo intay u jawaabeen bay ku yidhaahdeen Boqor Nebukadnesar, Boqorow, weligaaba noolow.

  • 13Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.

  • 5Markaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa Yeeshuuca, iyo Qadmii'eel, iyo Baanii, iyo Xashabneyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Shebanyaah, iyo Fetaxyaah, waxay dadkii ku yidhaahdeen, War istaaga oo Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana weligiis iyo weligiis, oo waxay yidhaahdeen, Magacaaga ammaanta badan ha la ammaano, kaasoo ka wada sarreeya kulli mahad iyo ammaan oo dhan.

  • 23Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey.

  • 3Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan.

  • 12Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.

  • 27Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.

  • 14Daanyeelna jawaab buu talo iyo miyir ugu celiyey Aryoog oo ahaa sirkaalkii waardiyaha boqorka, oo u soo baxay inuu laayo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon oo dhan.

  • 18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.