Daaniyeel 4:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse ugu dambaystii waxaa i hor yimid Daanyeel, oo la odhan jiray Beelteshaasar, sida magaca ilaahay, oo ilaahyada quduuskaa ruuxoodu ku jiro; markaasaan riyadii ku hor sheegay isagii, oo ku idhi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 1:7 : 7 Markaasaa amiirkii bohommada ayaa magacyo u baxshay oo Daanyeel wuxuu u baxshay Beelteshaasar, Xananyaahna wuxuu u baxshay Shadrag; Miishaa'eelna wuxuu u baxshay Meeshag; Casaryaahna wuxuu u baxshay Cabeednegoo.
  • Daan 4:18 : 18 Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.
  • Daan 5:14 : 14 Waxaa la iiga kaa sheegay inuu ruuxa ilaahyadu kugu jiro, oo lagaa dhex helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad aad iyo aad u wanaagsan.
  • Daan 5:11-12 : 11 Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega; 12 maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.
  • Daan 2:11 : 11 Waxaad weyddiisay, boqorow, waa wax aan badanaa la weyddiin dadka, qof kale oo boqorka u caddayn karaana ma jiro ilaahyada mooyaane, kuwaasoo aan hoygoodu binu-aadmiga la jirin.
  • Daan 4:9 : 9 Beelteshaasarow, saaxiriinta madaxdoodiiyow, waan ogahay in ilaahyada quduuskaa ruuxoodii kugu jiro, oo aan qarsoodiina ku dhibin, ee haddaba ii sheeg waxyaalihii aan ku arkay riyadaydii, iyo fasirkoodiiba.
  • Tir 11:17-30 : 17 Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin. 18 Oo dadkana waxaad ku tidhaahdaa, Hilib baad cunaysaane berri quduus isaga dhiga, waayo, waxaad ku ooydeen Rabbiga dhegihiisii, oo waxaad tidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Waayo, markaannu Masar joogi jirnay baa noo dhaantay. Haddaba Rabbigu hilib buu idin siin doonaa oo idinna waad cuni doontaan. 19 Oo idinku ma cuni doontaan maalin keliya, ama laba maalmood, amase shan maalmood, amase toban maalmood, amase labaatan maalmood, 20 laakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay? 21 Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan. 22 Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan? 23 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale. 24 Markaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay. 25 Markaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin. 26 Laakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen. 27 Markaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan. 28 Markaasaa Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidinkiisa ahaa oo raggiisii uu doortay ka mid ahaa ayaa ku yidhi, Sayidkaygii Muusow, u diid iyaga. 29 Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo! 30 Markaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen.
  • Ish 46:1 : 1 ¶ Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa.
  • Ish 63:11 : 11 Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,
  • Yer 50:2 : 2 ¶ Quruumaha ka dhex sheega, oo naadiya, oo calan kor u taaga. Naadiya, oo ha qarinina, oo waxaad tidhaahdaan, Baabuloon waa la qabsaday, Beel waa la ceebeeyey, Merodag waa la burburiyey, taswiiraheedii waa la ceebeeyey, oo sanamyadeediina waa la burburiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 4:9-10
    2 aayado
    86%

    9Beelteshaasarow, saaxiriinta madaxdoodiiyow, waan ogahay in ilaahyada quduuskaa ruuxoodii kugu jiro, oo aan qarsoodiina ku dhibin, ee haddaba ii sheeg waxyaalihii aan ku arkay riyadaydii, iyo fasirkoodiiba.

    10Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.

  • Daan 4:5-7
    3 aayado
    85%

    5Waxaan arkay riyo iga cabsiisay, markaasaa fikirradaydii aan sariirtayda la jiifay, iyo waxyaalihii lay tusay iga argaggixiyeen.

    6Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada.

    7Dabadeedna waxaa ii yimid saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii, iyo kuwii reer Kaldayiin, iyo kuwii wax sheegi jiray; markaasaan riyadii ku hor sheegay; laakiinse fasirkii iima ay caddayn.

  • Daan 4:18-19
    2 aayado
    83%

    18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

    19¶ Markaasaa Daanyeel oo magiciisu ahaa Beelteshaasar, ayaa inta wakhti ah yaabbanaa, fikirradiisiina wuu la welwelay. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi, Beelteshaasarow, ha ka welwelin riyada ama fasirkeeda. Beelteshaasarna waa jawaabay oo yidhi, Sayidkaygiiyow, riyadu ha u noqoto kuwa ku neceb, fasirkeeduna ha u noqdo cadaawayaashaada.

  • Daan 2:23-29
    7 aayado
    82%

    23Waan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka.

    24¶ Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.

    25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.

    26Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?

    27Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;

    28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

    29Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.

  • Daan 5:10-15
    6 aayado
    80%

    10¶ Markaasaa boqorka iyo saraakiishiisii hadalkoodii aawadiis ayaa boqoraddii u soo gashay gurigii diyaafadda; kolkaasay boqoraddii hadashay oo tidhi, Boqorow, weligaaba noolow; fikirradaadu yay kaa argaggixin, wejigaaguna yuusan beddelmin.

    11Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega;

    12maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.

    13¶ Markaasaa Daanyeel la soo hor taagay boqorka. Boqorkiina waa la hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Ma waxaad tahay Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, oo boqorkii aabbahay ahaa Yahuudah ka keenay?

    14Waxaa la iiga kaa sheegay inuu ruuxa ilaahyadu kugu jiro, oo lagaa dhex helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad aad iyo aad u wanaagsan.

    15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.

  • Daan 2:16-19
    4 aayado
    77%

    16Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.

    17¶ Markaasaa Daanyeel gurigiisii tegey, oo xaalkii ogeysiiyey Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah, oo ahaa saaxiibbadiis,

    18inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.

    19Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii Boqor Beelshaasar ayaa riyo ii muuqatay anigan Daanyeel ah, taasuna way ka dambaysay tii markii hore ii muuqatay.

  • 1¶ Sannaddii kowaad oo boqorkii Baabuloon oo ahaa Beelshaasar, ayaa Daanyeel riyooday, waxna waa la tusay isagoo sariirtiisa ku jiifa; markaasuu riyadii qoray, waxyaalihii dhammaantoodna wuu sheegay.

  • Daan 2:1-4
    4 aayado
    76%

    1¶ Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.

    2Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.

    3Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.

    4Markaasaa kuwii reer Kaldayiin ahaa boqorkii kula hadleen afkii reer Suuriya, waxayna ku yidhaahdeen, Boqorow, weligaaba noolow. Bal riyadaada noo sheeg annagoo addoommadaada ah oo annana waxaannu kuu caddayn doonnaa fasirkeeda.

  • Daan 1:17-20
    4 aayado
    75%

    17Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.

    18Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.

    19Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.

    20Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.

  • 36Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.

  • Daan 7:15-16
    2 aayado
    74%

    15¶ Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.

    16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.

  • 22Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan.

  • 11Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,

  • 8¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.

  • 9Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.

  • 24fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

  • 47Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.

  • 15¶ Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.

  • 17¶ Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.

  • Daan 1:6-7
    2 aayado
    71%

    6Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah.

    7Markaasaa amiirkii bohommada ayaa magacyo u baxshay oo Daanyeel wuxuu u baxshay Beelteshaasar, Xananyaahna wuxuu u baxshay Shadrag; Miishaa'eelna wuxuu u baxshay Meeshag; Casaryaahna wuxuu u baxshay Cabeednegoo.

  • 12Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.

  • 28Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane.