Daaniyeel 4:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

fasirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 107:40 : 40 Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho, Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
  • Ayuub 40:11-12 : 11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji. 12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
  • Ish 46:10-11 : 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa. 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.
  • Daan 4:17 : 17 Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.
  • Sab 2:7 : 7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
  • Ayuub 1:12-19 : 12 Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey. 13 ¶ Oo maalin ay wiilashiisii iyo gabdhihiisii wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkoodii ugu weynaa ayaa 14 waxaa Ayuub u yimid mid wargeeye ah oo wuxuu ku yidhi, Iyadoo dibidii ay beerta jeexayaan oo dameerihiina ay agtooda daaqayaan 15 ayaa waxaa na soo weeraray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 16 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Ilaah dabkiisii ayaa samada ka soo dhacay, oo wuxuu wada gubay oo baabbi'iyey idihii iyo midiidinnadii la jirayba, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 17 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Reer Kaldayiin oo saddex koox ah ayaa geelii soo weeraray, oo dhammaantiisna way dheceen, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 18 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Wiilashaadii iyo gabdhahaagii waxay wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkooda ugu weyn, 19 oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afartiisa rukun bay ku dhufatay, kolkaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.
  • Ayuub 20:29 : 29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
  • Sab 148:6 : 6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
  • Ish 14:24-27 : 24 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qasdiyey, 25 taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa. 26 Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?
  • Ish 23:9 : 9 Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 4:22-23
    2 aayado
    86%

    22waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

    23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

  • Daan 4:13-20
    8 aayado
    83%

    13Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.

    14Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.

    15Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.

    16Qalbigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen.

    17Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.

    18Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.

    19¶ Markaasaa Daanyeel oo magiciisu ahaa Beelteshaasar, ayaa inta wakhti ah yaabbanaa, fikirradiisiina wuu la welwelay. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi, Beelteshaasarow, ha ka welwelin riyada ama fasirkeeda. Beelteshaasarna waa jawaabay oo yidhi, Sayidkaygiiyow, riyadu ha u noqoto kuwa ku neceb, fasirkeeduna ha u noqdo cadaawayaashaada.

    20Geedkii aad aragtay, oo koray, oo xoogga badnaa, oo dhererkiisu cirka gaadhay, ee dhulka oo dhan laga arkayay,

  • Daan 4:25-28
    4 aayado
    83%

    25Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

    26Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.

    27Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.

    28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

  • Daan 4:31-34
    4 aayado
    82%

    31Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

    32Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.

    33Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed.

    34Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac;

  • Daan 2:36-38
    3 aayado
    80%

    36Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.

    37Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.

    38Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.

  • Daan 5:24-26
    3 aayado
    77%

    24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.

    25¶ Oo waa tan fartii la qoray, MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.

    26¶ Waa kan waxaas fasirkiisii: MENE: Waxay ka dhigan tahay, Ilaah waa tiriyey boqortooyadaada, wuuna dhammeeyey.

  • Daan 2:44-45
    2 aayado
    77%

    44Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.

    45Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.

  • Daan 2:28-31
    4 aayado
    77%

    28laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.

    29Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.

    30Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.

    31Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.

  • Daan 7:16-17
    2 aayado
    77%

    16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.

    17Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.

  • 21Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo.

  • Daan 4:9-10
    2 aayado
    76%

    9Beelteshaasarow, saaxiriinta madaxdoodiiyow, waan ogahay in ilaahyada quduuskaa ruuxoodii kugu jiro, oo aan qarsoodiina ku dhibin, ee haddaba ii sheeg waxyaalihii aan ku arkay riyadaydii, iyo fasirkoodiiba.

    10Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.

  • 6Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada.

  • 23Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.

  • 18¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,

  • Daan 2:24-26
    3 aayado
    74%

    24¶ Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.

    25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.

    26Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?

  • 14Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.

  • 23Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.

  • 27Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.

  • Daan 5:5-6
    2 aayado
    73%

    5¶ Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay.

    6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

  • 5Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.

  • 16Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.

  • 9Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.

  • 15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.