Daaniyeel 3:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 3:19 : 19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray.
  • Daan 2:12 : 12 Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.
  • Mat 10:18 : 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn.
  • Mark 13:9 : 9 ¶ Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.
  • Luuk 6:11 : 11 Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
  • Luuk 21:12 : 12 Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.
  • Fal 5:25-27 : 25 Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane. 26 Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo. 27 ¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,
  • Fal 24:24 : 24 ¶ Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix.
  • Bil 4:5 : 5 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.
  • 1 Sam 20:30-33 : 30 Markaasaa Saa'uul aad ugu cadhooday Yoonaataan, oo wuxuu ku yidhi, Kaagan naag qalloocan oo caasiyad ah inankeed ahow, war sow ma aan ogi inaad wiilka Yesay dooratay adoo ceeb u soo jiidaya naftaada iyo cawrada hooyadaa? 31 Waayo, inta wiilka Yesay dhulka ku nool yahay, adiga iyo boqortooyadaada midna dhismi maayo. Sidaas daraaddeed u cid dir oo soo kexee, waayo, hubaal wuu dhimanayaa. 32 Markaasaa Yoonaataan wuxuu u jawaabay aabbihiis Saa'uul oo ku yidhi, Maxaa loo dilayaa? Oo bal muxuu sameeyey? 33 Kolkaasaa Saa'uul warankiisii ku soo gantaalay si uu u dilo. Sidaasaa Yoonaataan taas ku ogaaday in aabbihiis maagganaa inuu Daa'uud dilo.
  • Est 3:5-6 : 5 Haamaanna markuu arkay inaan Mordekay u foororsan oo aanu u sujuudin, ayuu Haamaan aad u cadhooday. 6 Laakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.
  • Maah 17:12 : 12 Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.
  • Maah 27:3 : 3 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
  • Maah 29:22 : 22 Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 3:14-30
    17 aayado
    86%

    14Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey?

    15Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa?

    16Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan.

    17Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow.

    18Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.

    19Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray.

    20Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa.

    21Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay.

    22Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo.

    23Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay.

    24Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow.

    25Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada.

    26Markaasaa Nebukadnesar wuxuu ag yimid foornadii dabka ahayd oo ololaysay afkeedii, oo intuu hadlay buu yidhi, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ilaaha ugu Sarreeya addoommadiisow, soo baxa, oo halkan kaalaya. Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo dabkii ka soo dhex bexeen.

    27Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin.

    28Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane.

    29Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa.

    30Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.

  • Daan 3:11-12
    2 aayado
    85%

    11iyo in mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, lagu dhex tuuri doono foorno dab ah oo ololaysa.

    12Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.

  • Daan 1:18-19
    2 aayado
    79%

    18Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.

    19Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.

  • Daan 3:1-4
    4 aayado
    78%

    1¶ Boqor Nebukadnesar wuxuu sameeyey ekaan dahab ah, oo jooggeedu lixdan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna lix dhudhun yahay, oo wuxuu qotomiyey bannaankii Duuraa oo ku yaal gobolka Baabuloon.

    2Markaasaa Boqor Nebukadnesar wuxuu cid u diray amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumay oo dhan, inay u yimaadaan furitaanka ekaanta uu Boqor Nebukadnesar qotomiyey.

    3Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumi jiray oo dhammu u wada yimaadeen furitaankii ekaantii Boqor Nebukadnesar qotomiyey, oo waxay hor istaageen ekaantii uu Nebukadnesar qotomiyey.

    4Markaasaa naadiye aad u dhawaaqay, oo yidhi, Dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahow, waxaa laydinku amray,

  • 49Daanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.

  • Daan 3:6-9
    4 aayado
    75%

    6oo mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, isla saacaddiiba waxaa lagu dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa.

    7Haddaba markii dadkii oo dhammu maqleen codkii buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah ayaa dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu hoos u dhaceen oo u sujuudeen ekaantii dahabka ahayd oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey.

    8Haddaba wakhtigaas kuwo reer Kaldayiin ah ayaa soo dhowaaday oo Yuhuuddii dacweeyey.

    9Oo intay u jawaabeen bay ku yidhaahdeen Boqor Nebukadnesar, Boqorow, weligaaba noolow.

  • Daan 2:12-13
    2 aayado
    74%

    12Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.

    13Amarkiina waa baxay, nimankii xigmadda lahaana waxaa la doonayay in la wada laayo, markaasay dooneen Daanyeel iyo saaxiibbadiis in la laayo.

  • Daan 2:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.

    2Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.

  • Daan 1:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

    2Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.

    3Markaasaa boqorkii la hadlay Ashfenas oo madax u ahaa raggiisii bohommada ahaa, oo wuxuu u sheegay inuu keeno reer binu Israa'iil qaar ka mid ah, oo weliba ah kuwo ka soo farcamay reer boqor, iyo kuwa gobta ah;

  • 13¶ Markaasaa Daanyeel la soo hor taagay boqorka. Boqorkiina waa la hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Ma waxaad tahay Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, oo boqorkii aabbahay ahaa Yahuudah ka keenay?

  • 11Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,

  • 28¶ Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.

  • 13Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.

  • 13Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba

  • 6Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada.

  • 16Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona.

  • 46Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.

  • 25¶ Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.

  • 7¶ Markaasaa boqorkii kor u qayliyey oo yidhi, Ii keena xiddigiyayaasha iyo kuwa reer Kaldayiin ah iyo kuwa wax sheega. Boqorkiina waa la hadlay raggii xigmadda lahaa ee Baabuloon oo ku yidhi, Ku alla kii fartan akhriya, oo fasirkeeda ii caddeeya, waxaa loo gelinayaa dhar guduudan, qoortana waxaa loo sudhayaa silsilad dahab ah, oo wuxuu noqon doonaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

  • 6Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah.

  • 31Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.

  • 15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.