Daaniyeel 4:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo caleemihiisu qurxoonaayeen, midhihiisuna badnaayeen, oo cuntada wax walba ku filanu ku tiil; oo hoostiisa xayawaanka duurku hadhsanayeen, oo laamihiisa haadka cirku rugta ka dhigtay,

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 4:10-15
    6 aayado
    94%

    10Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.

    11Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa.

    12Caleemihiisuna way qurxoonaayeen, midhihiisuna way badnaayeen, waxaana ku tiil cunto ku wada filan wax walba. Xayawaankii duurkuna hoostiisay hadhsanayeen, haadka cirkuna waxay ku hoyan jireen laamihiisa, oo wax jidh leh oo dhammuna isagay wax ka cuni jireen.

    13Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.

    14Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.

    15Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.

  • 20Geedkii aad aragtay, oo koray, oo xoogga badnaa, oo dhererkiisu cirka gaadhay, ee dhulka oo dhan laga arkayay,

  • Yex 31:3-9
    7 aayado
    84%

    3Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.

    4Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.

    5Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.

    6Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.

    7Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.

    8Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.

    9Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.

  • Yex 31:12-14
    3 aayado
    78%

    12Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.

    13Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan.

    14Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.

  • Yex 17:23-24
    2 aayado
    77%

    23Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.

    24Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.

  • Daan 4:22-23
    2 aayado
    77%

    22waa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.

    23Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,

  • Sab 80:10-11
    2 aayado
    77%

    10Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.

    11Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.

  • 12Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.

  • 11Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.

  • Yex 17:4-9
    6 aayado
    75%

    4Oo wuxuu jaray laamihiisii yaryaraa, ta ugu korraysa, oo dal baayacmushtar badan geeyey, oo wuxuu dhigay magaalo baayacmushtariyaal.

    5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.

    6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

    7Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.

    8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

    9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?

  • 32Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.

  • 2iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin.

  • 73%

    16Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,

    17Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.

  • 26Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.

  • Xaak 9:10-12
    3 aayado
    72%

    10Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.

    11Laakiinse geedberdihii wuxuu ku yidhi, Miyaan ka tagaa macaankayga iyo midhahayga wanaagsan, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

    12Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.

  • 12Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.

  • Sab 148:9-10
    2 aayado
    72%

    9Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,

    10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

  • 6Oo iyaga waxaa dhammaantood looga wada tegi doonaa haadka buuraha iyo dugaagga dhulka, oo haadka ayaa iyaga kulaylka ka hadhsan doonaa, oo dugaagga dhulka oo dhammuna iyagay qabowga ka dugsan doonaan.

  • 9Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

  • 22Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.

  • 29¶ Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan;

  • 6Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.

  • 8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

  • 32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

  • 38Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.