Daaniyeel 5:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay keeneen weelashii dahabka ahaa oo laga soo qaaday macbudkii guriga Ilaah ahaa ee Yeruusaalem ku yiil; oo boqorkii iyo saraakiishiisii, iyo naagihiisii iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Daan 5:1-2
    2 aayado
    94%

    1¶ Markaasaa Boqor Beelshaasar wuxuu diyaafad weyn u sameeyey kun nin oo saraakiishiisii ah, markaasuu khamri ku hor cabbay kunkii nin.

    2Beelshaasar markuu dhadhamiyey khamrigii ayuu amray in la keeno weelashii dahabka iyo lacagta ahaa, oo aabbihiis Nebukadnesar ka soo qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil, in boqorka iyo saraakiishiisa, iyo naagihiisii, iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbaan.

  • Daan 5:4-5
    2 aayado
    84%

    4Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.

    5¶ Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay.

  • Daan 5:23-24
    2 aayado
    81%

    23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;

    24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.

  • Est 1:7-10
    4 aayado
    80%

    7Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku.

    8Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo, boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amray inay nin kasta u yeelaan siduu doonayo.

    9Oo weliba Boqorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysay hoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa.

    10¶ Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas,

  • Cesr 1:6-8
    3 aayado
    77%

    6Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin.

    7Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa.

    8Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

  • 5Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah.

  • 75%

    18Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.

    19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 2Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.

  • Cesr 5:14-15
    2 aayado
    74%

    14Oo weliba weelashii dahabka iyo lacagta ahaa ee gurigii Ilaah oo uu Nebukadnesar ka qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil oo uu geeyey macbudkii Baabuloon, kuwaas boqor Kuuros wuu ka soo bixiyey macbudkii Baabuloon, oo waxaa loo soo dhiibay mid magiciisa la odhan jiray Sheeshbasar, oo uu isagu taliye ka dhigay;

    15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

  • Yer 52:17-19
    3 aayado
    74%

    17Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.

    18Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

    19Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

  • Cesr 1:10-11
    2 aayado
    73%

    10iyo soddon maddiibadood oo dahab ah, iyo afar boqol iyo toban maddiibadood oo ah lacagta caynka labaad ah, iyo kun weel oo kale.

    11Oo kulligood weelashii dahabka iyo lacagta ahaa waxay isku ahaayeen shan kun iyo afar boqol. Oo intaas oo dhan Sheeshbasar wuu wada keenay, markii Yeruusaalem la keenay maxaabiistii Baabuloon laga soo celiyey.

  • Cesr 8:25-27
    3 aayado
    73%

    25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.

    26Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,

    27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.

  • 73%

    13Markaasaa reer Kaldayiin jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.

    14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

    15Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

  • 7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

  • 19Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem.

  • Daan 5:8-10
    3 aayado
    72%

    8¶ Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.

    9Markaasaa Boqor Beelshaasar aad iyo aad u argaggaxay, wejigiisiina waa beddelmay, saraakiishiisiina way welweleen.

    10¶ Markaasaa boqorka iyo saraakiishiisii hadalkoodii aawadiis ayaa boqoraddii u soo gashay gurigii diyaafadda; kolkaasay boqoraddii hadashay oo tidhi, Boqorow, weligaaba noolow; fikirradaadu yay kaa argaggixin, wejigaaguna yuusan beddelmin.

  • 26iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.

  • 7Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.

  • 30Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.

  • 13Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.

  • 21Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

  • 5Markaasaan wiilashii reer Reekaab soo hor dhigay weelal khamri ka buuxo iyo koobab, oo waxaan ku idhi, Khamrigan cabba.

  • 30Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.

  • 15iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem,

  • 17¶ Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa

  • 5Boqorkiina wuxuu rukun uga dhigay iyagii in ka mid ah cuntadiisii wanaagsanayd iyo khamrigii uu cabbi jiray, oo wuxuu amray in intii saddex sannadood ah la quudiyo si ay dabadeed boqorka isu hor taagaan.

  • 20Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

  • 7Haddaba markii dadkii oo dhammu maqleen codkii buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah ayaa dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu hoos u dhaceen oo u sujuudeen ekaantii dahabka ahayd oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey.

  • 12Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.

  • 18Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.

  • 42Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.