Yeremyaah 25:26
iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.
iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
24iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan,
25iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,
27Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed.
28Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan!
13Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.
14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.
15¶ Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan.
16Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.
17¶ Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa
18Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,
16Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.
13Oo markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka dalkan deggan oo dhan iyo xataa boqorrada carshigii Daa'uud ku fadhiya, iyo wadaaddada, iyo nebiyada, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ka wada buuxin doonaa sakhraannimo.
7Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.
57Oo waxaan wada sakhraamin doonaa amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda leh, iyo taliyayaasheeda, iyo saraakiisheeda, iyo raggeeda xoogga badanba, oo waxay seexan doonaan hurdo weligeed ah, oo ayan ka soo toosin, ayaa Boqorka magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammadu leeyahay.
9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.
22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,
1¶ Markaasaa Boqor Beelshaasar wuxuu diyaafad weyn u sameeyey kun nin oo saraakiishiisii ah, markaasuu khamri ku hor cabbay kunkii nin.
2Beelshaasar markuu dhadhamiyey khamrigii ayuu amray in la keeno weelashii dahabka iyo lacagta ahaa, oo aabbihiis Nebukadnesar ka soo qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil, in boqorka iyo saraakiishiisa, iyo naagihiisii, iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbaan.
3Markaasay keeneen weelashii dahabka ahaa oo laga soo qaaday macbudkii guriga Ilaah ahaa ee Yeruusaalem ku yiil; oo boqorkii iyo saraakiishiisii, iyo naagihiisii iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbeen.
4Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.
8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
41Sidee baa Sheeshag loo qabsaday, sidee baa ammaantii dunida oo dhan loo argaggixiyey, oo sidee baa Baabuloon ay wax laga yaabo quruumaha dhexdooda ugu noqotay!
11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.
41Bal ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona.
3Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.
9¶ Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.
15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.
28Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.
33Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya.
17¶ Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay.
1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
18Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.
7Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.
23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.
8Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
16Oo duhurkii ayay baxeen. Laakiinse Benhadad khamri buu cabbayay oo teendhooyinkii ku sakhraamayay, isaga iyo boqorradii la jirayba, kuwaasoo ahaa laba iyo soddonkii boqor oo isaga caawinayay.
19Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay,
21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.
20iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,
7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.
15¶ Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!
16Adigu intaad sharaf heli lahayd waxaa ka buuxsantay ceeb, oo weliba adiguna khamri cab, oo waxaad noqotaa sida mid buuryaqab ah. Rabbiga gacantiisa midig koobka ku jira adiguu kugu soo rogman doonaa, oo sharaftaadana waxaa ku dhici doonta ceeb xun.
12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa.
13Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.
48Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.
19Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.
7Haddaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa.
39Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.
2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.