Daaniyeel 7:5
Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun.
Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
3Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay.
4Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey.
6Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.
7Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.
8Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
1¶ Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda.
2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.
3Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii;
7Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.
8Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.
23Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.
24Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa.
19Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay,
20iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.
16Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.
17Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.
11Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.
12Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.
11¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.
7Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa.
6Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale.
11Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.
8Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.
16Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.
17Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.
20Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore.
13Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
3Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
7Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.
8Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.
11Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?
12Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.
4Oo waxaan arkay wankii oo wax u riixaya xagga galbeed iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureed, oo bahalna ma hor istaagi karin, mana jirin mid gacantiisa wax ka bixin karay; laakiinse siduu doonayay ayuu yeeli jiray, wuuna isweyneeyey.
5Oo intii aan ka fiirsanayay ayaa waxaa galbeed ka yimid orgi, wuxuuna kor maray dhulka dushiisa oo dhan, dhulkana ma uusan taaban: orgiguna wuxuu labada indhood dhexdooda ku lahaa gees weyn.
6Oo wuxuu u yimid wankii labada gees lahaa oo aan arkay, isagoo webiga hortiisa taagan, kolkaasuu ku orday isagoo aad u cadhaysan.
29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.
39Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.
3¶ Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag.
3Markaasaa waxaa dabadood webigii ka soo baxay toddoba sac oo kale oo fool xun, oo weyd ahaa, oo waxay is-ag taageen sicihii kale oo webiga qarkiisa jooga.
6Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
3¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.
7¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.
5Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.
12Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan, Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
10Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.
8Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax.
9Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.
3Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj.
7¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag.