Muujintii 6:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 4:7 : 7 Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.
  • Muj 6:1 : 1 ¶ Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 6:4-12
    9 aayado
    88%

    4Markaasaa waxaa soo baxay faras kale oo xamar ah; oo kii fuushanaana waxaa la siiyey amar inuu dunida nabadda ka qaado iyo in dadka midba midka kale dilo; oo waxaa la siiyey seef weyn.

    5¶ Oo haddana markuu shaabadda saddexaad furay ayaa waxaan maqlay xayawaankii saddexaad oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras madow; oo kii fuushanaana wuxuu gacanta ku haystay miisaan.

    6Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.

    7¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag.

    8Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.

    9¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis,

    10oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?

    11Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.

    12¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

  • Muj 6:1-2
    2 aayado
    86%

    1¶ Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.

    2Oo bal eeg, waxaan arkay faras cad oo kii fuushanaana wuxuu haystay qaanso, oo waxaa isaga la siiyey taaj; oo wuxuu soo baxay isagoo guulaysanaya, wuxuuna u soo baxay inuu guulaysto.

  • Sak 6:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay afar gaadhifaras oo ka soo baxay laba buurood dhexdood, buuruhuna waxay ahaayeen buuro naxaas ah.

    2Gaadhifaraska kowaad waxaa waday fardo xamar ah, gaadhifaraska labaadna waxaa waday fardo madmadow.

    3Gaadhifaraska saddexaadna waxaa waday fardo cadcad, gaadhifaraska afraadna waxaa waday fardo barbaro leh oo xoog badan.

  • 11¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.

  • Muj 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood.

    2Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa?

  • Muj 19:11-12
    2 aayado
    72%

    11¶ Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.

    12Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

  • Sak 6:5-7
    3 aayado
    71%

    5Kolkaasaa malaggii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa samada afarteeda dabaylood, oo ka soo baxa meeshay Sayidka dhulka oo dhan ku hor taagnaayeen.

    6Gaadhifaraskii fardaha madmadow lahaa wuxuu tegayaa xagga dalka woqooyi, oo kuwa cadcaduna iyagay daba gelayaan, oo gaadhifaraskii fardaha barbaraha leh lahaana wuxuu tegayaa xagga dalka koonfureed.

    7Oo kuwii xoogga badnaana way soo bexeen, oo waxay doonayeen inay dhulka hore iyo dibba u dhex maraan, oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo dhulka hore iyo dibba u dhex mara. Oo iyana markaasay dhulkii hore iyo dibba u dhex mareen.

  • Muj 9:16-17
    2 aayado
    70%

    16Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.

    17Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

  • 19¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.

  • 2Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,

  • Muj 13:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda.

    2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

  • 1¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii toddobaad, intii nus saac ah waxaa samada ka dhacday aamusnaan.

  • Muj 4:6-8
    3 aayado
    69%

    6Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.

    7Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.

    8Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.

  • 2oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,

  • 8Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;

  • Daan 7:5-6
    2 aayado
    68%

    5Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun.

    6Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.

  • 8Habeenkii waxaan arkay oo ii muuqday nin faras xamar ah fuushan, oo wuxuu dhex istaagay geedaha hadaaska la yidhaahdo oo meel hoos leh ku yiil, oo gadaashiisana waxaa joogay fardo kale oo midabkoodu yahay xamar iyo midab dibicyo leh iyo caddaan.

  • 3¶ Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan.

  • Muj 5:6-7
    2 aayado
    67%

    6¶ Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.

    7Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa.

  • 3Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.

  • Muj 19:14-15
    2 aayado
    67%

    14Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.

    15Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.

  • 13¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,

  • 3¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

  • 8¶ Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka.

  • 4Muuqashoodu waa sida muuq fardood oo kale, oo waxay u ordaan sida rag fardooley ah.

  • 14¶ Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa.

  • 10¶ Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.