Sharciga Kunoqoshadiisa 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 18:21 : 21 Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya,
  • Tir 11:16-17 : 16 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan. 17 Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.
  • Fal 1:21-23 : 21 Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay, 22 oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa. 23 Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.
  • Fal 6:2-6 : 2 Markaasaa laba-iyo-tobankii, intay isugu yeedheen kuwa badan oo xerta ka mid ahaa, waxay ku yidhaahdeen, Ma wanaagsana inaannu ereyga Ilaah iska dayno oo aannu miisas ka adeegno. 3 Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan. 4 Annaguse waxaannu ku sii adkaysan doonnaa tukasho iyo shuqulka ereyga. 5 Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay. 6 Kuwaasay rasuulladii hor keeneen; oo markay tukadeen dabadeed, ayay gacmahoodii saareen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    14Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.

    15Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.

    16Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira.

    17Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.

    18Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.

  • 12Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?

  • Bax 18:19-22
    4 aayado
    78%

    19Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.

    20Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.

    21Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya,

    22oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan.

  • 25Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay rag karti leh, oo wuxuu ka dhigay madaxdii dadka, oo ah kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya.

  • 13Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.

  • 73%

    14¶ Oo markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale,

    15si kastaba ha ahaatee waa inaad boqrataan kii Rabbiga Ilaahiinna ahu doorto. Oo mid aad walaalihiinna kala soo dhex baxdaan waa inaad boqrataan. Waa inaydaan shisheeye aan walaalkiin ahayn boqor ka dhigan.

  • Tir 13:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.

  • 73%

    22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

    23Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.

  • 25Oo adigoo Cesraa ahu xigmadda Ilaahaagu ku siiyey ku dooro xaakinno iyo qaadiyo u garsoora dadka webiga ka shisheeya oo dhan, in alla inta taqaan sharciyada Ilaahaaga, oo kii aan aqoonna bara.

  • 10¶ Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan,

  • 18¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.

  • 4Oo waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah.

  • 9Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?

  • 2Dadka kala bax laba iyo toban nin, qabiil walba nin,

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.

  • Tir 11:16-17
    2 aayado
    71%

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.

    17Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.

  • 2iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga,

  • 71%

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Boqorka idin xukumayaa wuxuu ahaanayaa sidan: wuxuu idinka qaadan doonaa wiilashiinna, oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwa gaadhifardoodka u wada, iyo fardooleydiisa, oo iyana waxay hor ordi doonaan gaadhifardoodkiisa.

    12Haddana wuxuu iyaga ka dhigan doonaa saraakiil kun kun u sarreeya iyo saraakiil konton konton u sarreeya, oo qaarna beerihiisay u fali doonaan, oo u gooyn doonaan, oo waxay u samayn doonaan alaabta dagaalka, iyo alaabta gaadhifardoodkiisa.

  • Tir 27:16-17
    2 aayado
    70%

    16Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,

    17oo hortooda dibadda ugu baxa, oo hortooda gudaha soo gala, oo iyaga dibadda u hoggaamiya, oo gudaha soo geliya inaan shirka Rabbigu ahaan sidii ido aan idojir lahayn.

  • 9Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?

  • Tir 1:16-17
    2 aayado
    70%

    16Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.

    17Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay,

  • 37Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.

  • 10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

  • 4Haddaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan.

  • 10Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara?

  • 9Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?

  • 70%

    9Oo waa inaad u tagtaan wadaaddada reer Laawi iyo xaakinka wakhtigaas joogi doono, oo waa inaad xaalkaas haybisaan oo iyana waxay idiin sheegi doonaan xukunkaas garsooriddiisa.

    10Oo waa inaad u samaysaan sida xukunka garsooriddiisu tahay, taasoo ay idiinka sheegi doonaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo waa inaad dhawrtaan oo wada samaysaan waxa ay idin bari doonaan oo dhan.

  • 14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 18Oo qabiil kastana waa inaad amiir kala soo baxdaan inay dalka dhaxal u kala qaybiyaan.

  • 9¶ Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta.