1 Samuu'eel 12:13
Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.
Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.
12Oo markii aad aragteen boqorkii Naaxaash ahaa oo reer Cammoon inuu idinku soo duulay, waxaad igu tidhaahdeen, Maya, laakiinse waa inuu boqor noo taliyaa; markaasna waxaa boqor idiin ahaa Rabbiga Ilaahiinna ah.
1¶ Samuu'eel wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Bal eega, anigu waan maqlay codkiinnii iyo wixii aad igu tidhaahdeen oo dhan, oo waxaan idiin yeelay boqor idiin taliya.
2Oo haatan, bal eega, boqorkii wuu idin hor socdaaye, oo anigu waan gaboobay, waanan cirroobay; oo bal eega, wiilashaydiina way idinla joogaan, oo aniguna waxaan idin hor socday tan iyo yaraantaydii.
19Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.
14¶ Oo markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale,
15si kastaba ha ahaatee waa inaad boqrataan kii Rabbiga Ilaahiinna ahu doorto. Oo mid aad walaalihiinna kala soo dhex baxdaan waa inaad boqrataan. Waa inaydaan shisheeye aan walaalkiin ahayn boqor ka dhigan.
18Oo maalintaas waxaad ka qaylin doontaan boqorkiinna aad idinku doorateen oo Rabbiguna idiin jawaabi maayo maalintaas.
19Laakiinse dadkii way diideen inay dhegaystaan Samuu'eel codkiisii, oo waxay yidhaahdeen, Maya, laakiinse waxaannu yeelanaynaa boqor noo taliya;
20si aannu ula mid noqonno quruumaha kale oo dhan; oo uu boqorkayagu noogu taliyo, oo uu noo hor kaco oo noo dagaallamo wakhtiga dirirta.
10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?
11Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
9Haddaba sidaas daraaddeed bal codkooda dhegayso, habase yeeshee waa inaad aad ugu markhaati furtaa, oo waa inaad u sheegtaa boqorka xukumi doona siduu ahaan doono.
10¶ Oo Samuu'eelna wuxuu erayadii Rabbiga oo dhan u sheegay dadkii boqorka weyddiistay.
11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Boqorka idin xukumayaa wuxuu ahaanayaa sidan: wuxuu idinka qaadan doonaa wiilashiinna, oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwa gaadhifardoodka u wada, iyo fardooleydiisa, oo iyana waxay hor ordi doonaan gaadhifardoodkiisa.
14Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
24Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Ma aragtaan kan Rabbigu doortay inaan mid la mid ahu dadka ku jirin? Kolkaasaa dadkii oo dhammu dhawaaqeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
22Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Codkooda maqal oo boqor u yeel iyaga. Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii reer binu Israa'iil ku yidhi, Taga oo ninkiin waluba magaaladiisii ha tago.
13Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba.
14Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
16Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.
17Sow maanta ma aha maalintii sarreenka la gooynayay? Anigu Rabbigaan baryayaa inuu soo diro onkod iyo roob; oo idinna markaasaad ogaan doontaan oo arki doontaan inuu weyn yahay sharkiinna aad Rabbiga hortiisa ku samayseen markaad boqor weyddiisateen.
5oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waad gabowday, oo wiilashaaduna kuma socdaan jidadkaagii; haddaba noo yeel boqor na xukuma sida quruumaha kale oo dhan.
6Laakiinse waxaasu Samuu'eel way la xumaayeen, markii ay ku yidhaahdeen, Na sii boqor na xukuma. Markaasaa Samuu'eel Rabbiga baryay.
7Oo Rabbiguna wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Bal dhegayso codka dadka iyo kulli waxa ay ku leeyihiin oo dhan, waayo, adiga kuma ay diidin, laakiinse anay i diideen, inaanan iyaga u ahaan boqor.
17Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.
37Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.
2Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.
3Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.
3Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya?
19Markaasaa dadkii oo dhammu waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Addoommadaada u bari Rabbiga Ilaahaaga ah, yaannan dhimanne, waayo, dembiyadayadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan markaannu boqor weyddiisannay.
20Oo Samuu'eelna wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina; xaqiiqa, waxaad samayseen sharkan oo dhan, laakiinse gees ha uga leexanina Rabbiga lasocodkiisa, waxaadse ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan;
1¶ Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga.
21Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.
35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.
20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.
13Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.
17Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil;
2Waagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil.
17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.
7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
7¶ Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,
9Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.
16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.
12¶ Markaasaa dadkii waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Waa ayo kii yidhi, Ma Saa'uul baa na xukumaya? Nimankaas soo bixi aannu dilnee.
4Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.
25Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.
36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.
8Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.
8Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshigiisa inaad boqor ahaatid Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis. Ilaahaagu wuu jeclaaday reer binu Israa'iil inuu xoogeeyo weligood, oo sidaas aawadeed ayuu kaaga dhigay boqor iyaga u taliya inaad samaysid xukun iyo caddaalad.