Sharciga Kunoqoshadiisa 10:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

(Markaasay reer binu Israa'iil Bi'irod Bini Yacaqaan ka guureen, oo waxay u kaceen Mooseeraah, oo halkaasaa Haaruun ku dhintay, oo halkaasaa lagu aasay, oo meeshiisii shuqulkii wadaadnimada waxaa ka adeegay wiilkiisii Elecaasaar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 33:38 : 38 Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.
  • Tir 33:30-33 : 30 Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood. 31 Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan. 32 Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad. 33 Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.
  • Tir 20:23-28 : 23 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi, 24 Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen. 25 Haddaba Haaruun iyo wiilkiisa Elecaasaar soo wad, oo waxaad iyaga keentaa Buur Xor. 26 Oo markaas Haaruun dharkiisa ka bixi oo waxaad u gelisaa wiilkiisa Elecaasaar, oo Haaruun dadkiisa wuu ku darman doonaa, oo halkaasuu ku dhiman doonaa. 27 Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan. 28 Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen.
  • Tir 33:1-2 : 1 ¶ Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar. 2 Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.
  • Tir 10:6 : 6 Oo haddana markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan mar labaad, xerooyinka xagga koonfureed degganu ha guureen; oo waa inay afuufaan turumbo digtoonaaneed guuriddooda aawadeed.
  • Tir 10:12-13 : 12 Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan. 13 Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 20:23-29
    7 aayado
    80%

    23Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi,

    24Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen.

    25Haddaba Haaruun iyo wiilkiisa Elecaasaar soo wad, oo waxaad iyaga keentaa Buur Xor.

    26Oo markaas Haaruun dharkiisa ka bixi oo waxaad u gelisaa wiilkiisa Elecaasaar, oo Haaruun dadkiisa wuu ku darman doonaa, oo halkaasuu ku dhiman doonaa.

    27Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan.

    28Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen.

    29Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.

  • Tir 3:3-5
    3 aayado
    77%

    3Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.

    4Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.

    5¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 33Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.

  • Tir 33:38-39
    2 aayado
    76%

    38Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.

    39Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.

  • Laaw 16:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,

    2oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

  • 13Oo markaad aragtid dabadeed dadkaagii dhintay waad ku darman doontaa, sidii walaalkaa Haaruunba ugu darmaday,

  • 50oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay,

  • 2Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.

  • 73%

    49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

    50Oo kuwanuna waa farcankii Haaruun, wiilkiisii Elecaasaar, oo dhalay Fiinexaas, oo isna dhalay Abiishuuca,

  • 16¶ Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.

  • 7Oo halkaasna waxay uga guureen Gudgodaah, oo waxay Gudgodaahna uga guureen Yaatbaataah oo ah dal leh durdurro biyo ah.

  • Laaw 10:3-4
    2 aayado
    72%

    3Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.

    4Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda.

  • 3Ilmaha Camraamna waxay ahaayeen Haaruun, iyo Muuse, iyo Maryan. Wiilashii Haaruunna waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

  • 6Markaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey.

  • 60Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar.

  • 26Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin.

  • 1¶ Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

  • 1¶ Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay.

  • 19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

  • 1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 15Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan.

  • 36Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 13Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay.

  • 35Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.

  • 9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

  • 10Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane.

  • 10iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,

  • 11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 11iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,