Tirintii 33:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 10:6 : 6 (Markaasay reer binu Israa'iil Bi'irod Bini Yacaqaan ka guureen, oo waxay u kaceen Mooseeraah, oo halkaasaa Haaruun ku dhintay, oo halkaasaa lagu aasay, oo meeshiisii shuqulkii wadaadnimada waxaa ka adeegay wiilkiisii Elecaasaar.
  • Sharc 32:50 : 50 oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay,
  • Tir 20:24-28 : 24 Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen. 25 Haddaba Haaruun iyo wiilkiisa Elecaasaar soo wad, oo waxaad iyaga keentaa Buur Xor. 26 Oo markaas Haaruun dharkiisa ka bixi oo waxaad u gelisaa wiilkiisa Elecaasaar, oo Haaruun dadkiisa wuu ku darman doonaa, oo halkaasuu ku dhiman doonaa. 27 Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan. 28 Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:39-41
    3 aayado
    89%

    39Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.

    40Oo boqorkii Caraad oo reer Kancaan ahaa oo degganaa xagga koonfureed ee dalka reer Kancaan wuxuu maqlay in reer binu Israa'iil soo socdaan.

    41Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

  • 37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • Tir 20:22-29
    8 aayado
    79%

    22¶ Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.

    23Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi,

    24Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen.

    25Haddaba Haaruun iyo wiilkiisa Elecaasaar soo wad, oo waxaad iyaga keentaa Buur Xor.

    26Oo markaas Haaruun dharkiisa ka bixi oo waxaad u gelisaa wiilkiisa Elecaasaar, oo Haaruun dadkiisa wuu ku darman doonaa, oo halkaasuu ku dhiman doonaa.

    27Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan.

    28Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen.

    29Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.

  • 79%

    50oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay,

    51maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin.

  • 6(Markaasay reer binu Israa'iil Bi'irod Bini Yacaqaan ka guureen, oo waxay u kaceen Mooseeraah, oo halkaasaa Haaruun ku dhintay, oo halkaasaa lagu aasay, oo meeshiisii shuqulkii wadaadnimada waxaa ka adeegay wiilkiisii Elecaasaar.

  • 3Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.

  • Laaw 16:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,

    2oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

  • Tir 27:12-13
    2 aayado
    72%

    12¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.

    13Oo markaad aragtid dabadeed dadkaagii dhintay waad ku darman doontaa, sidii walaalkaa Haaruunba ugu darmaday,

  • 5Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa.

  • Bax 7:7-8
    2 aayado
    70%

    7Muusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen.

    8¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 35Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay.

  • 33Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay.

  • 8Oo reer binu Israa'iilna soddon maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo'aab, haddaba maalmihii loo barooranayay Muuse way dhammaadeen.

  • Bax 4:27-28
    2 aayado
    69%

    27Markaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday.

    28Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan.

  • 3Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.

  • 11¶ Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 3:4-5
    2 aayado
    69%

    4Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.

    5¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

  • 41¶ Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.

  • 36Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.

  • 50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 33¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Oo belaayadii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii, oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

  • 30Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey.