Sharciga Kunoqoshadiisa 34:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo reer binu Israa'iilna soddon maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo'aab, haddaba maalmihii loo barooranayay Muuse way dhammaadeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 50:3 : 3 Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.
  • Bil 50:10 : 10 Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.
  • Tir 20:29 : 29 Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.
  • 1 Sam 25:1 : 1 ¶ Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
  • Ish 57:1 : 1 ¶ Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday.
  • Fal 8:2 : 2 ¶ Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 20:28-29
    2 aayado
    80%

    28Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen.

    29Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.

  • Sharc 34:5-7
    3 aayado
    80%

    5Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa.

    6Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan.

    7Oo Muuse markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo labaatan sannadood, oo haddana indhihiisu ma aragdarnaan, xooggiisiina kama yaraan.

  • 39Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen.

  • 3Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.

  • 74%

    29Waayo, waan ogahay in markaan dhinto dabadeed aad iskharribi doontaan, oo aad jidkii aan idinku amrayna gees uga leexan doontaan, oo ugu dambaystana masiibo baa idinku dhici doonta, maxaa yeelay, waxaad samayn doontaan wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, inaad isaga kaga xanaajisaan shuqulka aad gacmihiinna ku samaysaan.

    30¶ Kolkaasaa Muuse shirkii reer binu Israa'iil oo dhan dhegahoodii kula hadlay erayadii gabaygan ilaa ay wada dhammaadeen.

  • 45Markaasaa Muuse dhammeeyey hadalkii uu erayadan oo dhan kula hadlayay reer binu Israa'iil oo dhan,

  • 14¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii shirka isdhex taageen.

  • 18Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 3Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.

  • 1¶ Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay.

  • 1¶ Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan,

  • Sharc 31:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Markaasaa Muuse tegey oo erayadan kula hadlay reer binu Israa'iil oo dhan.

    2Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.

  • 24¶ Oo markii Muuse dhammaystiray sharcigan erayadiisii oo uu kitaab ku qoray ilaa ay wada dhammaadeen,

  • 9Oo Yashuuca ina Nuunna waxaa ka buuxay ruuxa xigmadda, maxaa yeelay, Muusaa gacmihiisa mar hore saaray, oo reer binu Israa'iil isagii way maqleen, oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay sameeyeen.

  • 2Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.

  • 50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 40Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.

  • 38Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.

  • 12¶ Markaasay reer binu Israa'iil Muuse la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, War bal eeg, waannu baabba'aynaa, oo waannu halligmaynaa, kulligayo waannu wada halligmaynaaye.

  • 2Reer binu Israa'iil uga aargud reer Midyaan, oo taas dabadeedna dadkaagaad ku darman doontaa.

  • 5Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay ku hor dheceen ururkii shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 1¶ Oo shirkii oo dhammuna codkoodii bay kor u qaadeen oo qayliyeen, oo dadkiina habeenkaas way ooyeen.

  • 33Oo markuu Muuse dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay ayuu indho shareertay.

  • 30Markaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen.

  • 3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 22Sidaas daraaddeed Muuse ayaa gabaygan isla maalintaas qoray oo reer binu Israa'iil baray.

  • 29Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada ka soo hor jeedda Beytfecoor.

  • 20laakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay?