Tirintii 11:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

laakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 106:15 : 15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
  • Tir 21:5 : 5 Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.
  • Yash 24:27 : 27 Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.
  • 1 Sam 2:30 : 30 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.
  • 1 Sam 10:19 : 19 Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.
  • 2 Sam 12:10 : 10 Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.
  • Sab 78:27-30 : 27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha, 28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda. 29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen. 30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
  • Maah 27:7 : 7 Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
  • Mal 1:6 : 6 ¶ Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?
  • Fal 13:41 : 41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
  • 1 Tes 4:8 : 8 Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.
  • Bax 16:8 : 8 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.
  • Bax 16:13 : 13 Oo waxaa dhacday in makhribkii digaagduur yimaadeen oo ay xeradii oo dhan qariyeen, oo subaxdiina waxaa degmadii hareeraheeda ku soo degay sayax.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 21Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan.

  • Tir 11:18-19
    2 aayado
    79%

    18Oo dadkana waxaad ku tidhaahdaa, Hilib baad cunaysaane berri quduus isaga dhiga, waayo, waxaad ku ooydeen Rabbiga dhegihiisii, oo waxaad tidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Waayo, markaannu Masar joogi jirnay baa noo dhaantay. Haddaba Rabbigu hilib buu idin siin doonaa oo idinna waad cuni doontaan.

    19Oo idinku ma cuni doontaan maalin keliya, ama laba maalmood, amase shan maalmood, amase toban maalmood, amase labaatan maalmood,

  • 5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.

  • 76%

    26¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

    27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • Bax 14:11-12
    2 aayado
    75%

    11Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

    12Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

  • 11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 20Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday.

  • 33Oo intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn.

  • Bax 17:2-3
    2 aayado
    74%

    2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

    3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • Tir 20:3-5
    3 aayado
    74%

    3Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen!

    4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?

    5Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko.

  • Bax 16:2-3
    2 aayado
    74%

    2Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

    3Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

  • 4¶ Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya?

  • Bax 16:7-8
    2 aayado
    73%

    7oo subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan?

    8Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

  • 2Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!

  • 6Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.

  • Tir 16:13-14
    2 aayado
    72%

    13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

    14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?

  • 29Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,

  • 21oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay seefo noo qaataan noo laayaan.

  • 5iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

  • 10Haddana Muuse wuxuu maqlay dadkii oo ka dhex ooyaya qabiilooyinkoodii oo dhan, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeduu taagnaa, markaasaa cadhadii Rabbigu aad u kululaatay, oo Muusena wuu ka xumaaday.

  • Sharc 9:7-8
    2 aayado
    71%

    7¶ Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.

    8Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.

  • 13Bal xaggee baan ka helayaa hilib aan siiyo dadkan oo dhan? Waayo, iyagu way igu ooyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Hilib aannu cunno na si.

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • Yex 20:7-8
    2 aayado
    71%

    7oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    8Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.

  • 28Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 1¶ Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.

  • 22Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

  • 27Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen.

  • 45Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.

  • 34Oo maalmihii aad dalka ku soo basaasteen oo afartan maalmood ahaa, maalintiiba sannad ayaad dembiyadiinna u qaadanaysaan, oo idinku xumaantiinna waad qaadanaysaan xataa afartan sannadood, oo waxaad ogaan doontaan diidniintayda.

  • 18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • Bax 32:11-12
    2 aayado
    70%

    11Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?

    12Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid.

  • 22Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,

  • 28waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

  • 41¶ Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.