Sharciga Kunoqoshadiisa 3:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada ka soo hor jeedda Beytfecoor.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 4:46 : 46 iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.
  • Sharc 34:6 : 6 Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan.
  • Tir 25:3 : 3 Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.
  • Tir 33:48-49 : 48 Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda. 49 Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
  • Sharc 4:3 : 3 Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20iyo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood,

  • 77%

    27Haddaba u kac Buur Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.

    28Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • Tir 33:47-50
    4 aayado
    75%

    47Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

    48Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

    49Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.

    50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 1¶ Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii.

  • 20Oo Baamoodna waxay uga guureen xagga dooxadii ku taal bannaanka Moo'aab, iyo Buur Fisgaah dhaladeeda oo cidlada hoos u soo fiirisa.

  • 3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

  • 28Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.

  • 3iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah:

  • 17iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

  • 49iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.

  • 16Bal eeg, taladii Balcaam aawadeed kuwanu waxay reer Israa'iil ka dhigeen inay Rabbiga kaga xadgudbaan xaalkii Fecoor, oo sidaas daraaddeed belaayadaa uga dhex dhacday shirkii Rabbiga.

  • 1¶ Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.

  • 3Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.

  • Sharc 1:5-7
    3 aayado
    71%

    5Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,

    6Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,

    7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

  • 49Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo,

  • 32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.

  • Sharc 2:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.

    2Markaasaa Rabbigu ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.

  • 19Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari.

  • 14Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,

  • 28Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.

  • 17Oo sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.

  • 44Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

  • 17ayuu Rabbigu ila hadlay oo igu yidhi,

  • 22laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.

  • 17Miyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,

  • 7Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.

  • 3Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.

  • 5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.

  • 1¶ Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.

  • 5Oo wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.

  • 13Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay durdurkii Sered.

  • 1¶ Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan,

  • 23¶ Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.