Tirintii 33:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 32:49 : 49 Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo,
  • Sharc 34:1 : 1 ¶ Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan,
  • Tir 21:20 : 20 Oo Baamoodna waxay uga guureen xagga dooxadii ku taal bannaanka Moo'aab, iyo Buur Fisgaah dhaladeeda oo cidlada hoos u soo fiirisa.
  • Tir 27:12 : 12 ¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:41-46
    6 aayado
    89%

    41Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

    42Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.

    43Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.

    44Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

    45Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.

    46Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.

  • Tir 33:48-50
    3 aayado
    87%

    48Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

    49Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.

    50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 33:13-37
    25 aayado
    80%

    13Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.

    14Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.

    15Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

    17Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

    18Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.

    19Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.

    20Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.

    21Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.

    22Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.

    23Oo Qeheelaataahna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Shefer.

    24Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.

    25Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.

    26Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.

    27Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.

    28Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.

    29Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.

    30Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.

    31Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.

    32Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

    33Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.

    34Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.

    35Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

    36Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

    37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • Tir 21:10-13
    4 aayado
    78%

    10¶ Markaasaa reer binu Israa'iil soo guureen, oo waxay degeen Obod.

    11Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.

    12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,

    13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

  • Tir 33:7-11
    5 aayado
    75%

    7Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.

    8Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

    9Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.

    10Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

    11Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • 22iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim,

  • 3Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon,

  • 29Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada ka soo hor jeedda Beytfecoor.