Tirintii 33:48

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 22:1 : 1 ¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:49-51
    3 aayado
    89%

    49Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.

    50¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

    51Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,

  • Tir 33:41-47
    7 aayado
    87%

    41Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

    42Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.

    43Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.

    44Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

    45Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.

    46Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.

    47Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • Tir 21:11-13
    3 aayado
    80%

    11Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.

    12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,

    13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

  • Tir 33:30-37
    8 aayado
    79%

    30Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.

    31Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.

    32Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

    33Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.

    34Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.

    35Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

    36Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

    37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • 3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 5Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser,

  • Tir 33:15-20
    6 aayado
    77%

    15Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

    17Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

    18Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.

    19Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.

    20Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.

  • 49Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo,

  • 22Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.

  • 8Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

  • 20Oo Baamoodna waxay uga guureen xagga dooxadii ku taal bannaanka Moo'aab, iyo Buur Fisgaah dhaladeeda oo cidlada hoos u soo fiirisa.

  • 29Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada ka soo hor jeedda Beytfecoor.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • 10Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

  • 27Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.

  • 7oo intay Yaanooxaah ka tagto ayay sii martay Cataarood, iyo ilaa Nacaraah, oo waxay gaadhay Yerixoo, markaasay ka sii baxday Webi Urdun.

  • 25Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.

  • 1¶ Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan,

  • 13¶ Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • 49iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.

  • 28Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.

  • 17iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.