Sharciga Kunoqoshadiisa 15:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 16:14 : 14 Laakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.
  • Ish 21:16 : 16 Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa.
  • Luuk 17:7-8 : 7 Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso? 8 Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    12¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.

    13Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan.

    14Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.

    15Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.

    16Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,

    17kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.

  • 2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

  • Yer 34:14-15
    2 aayado
    79%

    14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.

    15Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.

  • 75%

    39¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

    40laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,

    41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

    42Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

    43Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso.

    44Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

  • 75%

    9Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.

    10Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.

  • 74%

    52Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

    53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

    54Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

  • 18laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

  • Bax 21:5-7
    3 aayado
    73%

    5Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,

    6de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.

    7¶ Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

  • 15¶ Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.

  • 50Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.

  • 72%

    14¶ Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.

    15Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.

  • Bax 21:26-27
    2 aayado
    72%

    26¶ Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.

    27Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

  • Yer 34:9-10
    2 aayado
    71%

    9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.

    10Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.

  • Sharc 15:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

    2Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

    3Kii shisheeye ah waad ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin ku jira waa inaad saamaxdaan.

  • 14Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.

  • 12Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.

  • 22Waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

  • 18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 15Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar, oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto maalinta sabtida.

  • 19¶ Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.

  • 18laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba.

  • 10Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.

  • 6Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

  • 10¶ Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

  • 6Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.

  • 3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • 17Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

  • 3Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.

  • 16Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.