Baxniintii 21:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 15:12-15 : 12 ¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa. 13 Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan. 14 Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid. 15 Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.
  • Sharc 15:18 : 18 Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.
  • Nex 5:1-5 : 1 ¶ Markaasaa waxaa dadkii iyo afooyinkooda ka kacay qaylo weyn oo ay kaga cabanayeen walaalahooda Yuhuudda ah. 2 Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno. 3 Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed. 4 Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay. 5 Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.
  • Nex 5:8 : 8 Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.
  • Yer 34:8-9 : 8 ¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo, 9 in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah. 10 Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii. 11 Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan. 12 Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh, 13 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi, 14 Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin. 15 Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga. 16 Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan. 17 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
  • Mat 18:25 : 25 Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.
  • 1 Kor 6:20 : 20 waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.
  • Sharc 31:10 : 10 Markaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi, Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda, oo ah Iidda Waababka,
  • 2 Boq 4:1 : 1 ¶ Haddaba waxaa Eliishaa u qaylisay naag u dhaxday qoonkii nebiyada ahaa midkood, oo waxay ku tidhi, Ninkaygii oo addoonkaaga ahaa waa dhintay, oo adna waad og tahay inuu addoonkaagu Rabbiga ka cabsan jiray. Oo nin deyn nagu lahaa ayaa u yimid inuu labadayda carruurta ah iga qaato oo addoommo ka dhigto.
  • Bil 27:28 : 28 Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.
  • Bil 27:36 : 36 Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin?
  • Bax 12:44 : 44 laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa.
  • Bax 22:3 : 3 Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.
  • Laaw 25:39-45 : 39 ¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale, 40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah, 41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis. 42 Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo. 43 Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso. 44 Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah. 45 Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.
  • Sharc 15:1 : 1 ¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    12¶ Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad waa inaad xoraysaa.

    13Oo markaad xorayso waa inaadan dirin isagoo faro madhan.

    14Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.

    15Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.

    16Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,

    17kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.

    18Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis. Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.

  • 14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.

  • Bax 21:3-8
    6 aayado
    81%

    3Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.

    4Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.

    5Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,

    6de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.

    7¶ Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

    8Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.

  • 80%

    50Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.

    51Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.

    52Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

    53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

    54Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

  • 79%

    39¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

    40laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,

    41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

    42Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

  • Bax 21:26-27
    2 aayado
    79%

    26¶ Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.

    27Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

  • 11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

  • Yer 34:9-10
    2 aayado
    78%

    9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.

    10Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.

  • 14Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.

  • Sharc 15:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

    2Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

  • 15¶ Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.

  • 44Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

  • Bax 21:20-21
    2 aayado
    74%

    20¶ Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.

    21Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.

  • 7Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.

  • 73%

    27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

    28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

  • 73%

    21Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid.

    22Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix.

    23Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina.

  • 6Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

  • 10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

  • 44laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa.

  • 14¶ Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.

  • 10¶ Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

  • 14laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.

  • 32Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.

  • 16¶ Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.