Baxniintii 21:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 4:15 : 15 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.
  • Bil 4:24 : 24 Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa, Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.
  • Bil 9:6 : 6 Ku kasta oo nin dhiiggiis daadiya, nin baa isna dhiiggiisa daadin doona: waayo, Ilaah araggiisuu ka sameeyey ninka.
  • Bax 21:26-27 : 26 ¶ Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed. 27 Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.
  • Tir 35:19 : 19 Oo aardoonka dhiigga doonayaa qudhiisu ha dilo gacankudhiiglaha. Markuu isaga helo ha dilo.
  • Tir 35:30-33 : 30 Ku alla kii qof dila, gacankudhiiglaha waa in la dilaa markii lagu marag furo, laakiinse qofnaba yaan lagu dilin markhaati keliya maragfurkiis. 31 Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa. 32 Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto. 33 Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane.
  • Sharc 19:21 : 21 Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.
  • Maah 29:19 : 19 Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.
  • Ish 58:3-4 : 3 Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. 4 Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo.
  • Room 13:4 : 4 Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 21:21-32
    12 aayado
    82%

    21Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.

    22¶ Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan.

    23Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,

    24oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,

    25oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.

    26¶ Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.

    27Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

    28¶ Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.

    29Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.

    30Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.

    31Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.

    32Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.

  • Bax 21:14-19
    6 aayado
    82%

    14Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.

    15¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

    16¶ Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

    17¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

    18¶ Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;

    19kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.

  • Bax 21:11-12
    2 aayado
    81%

    11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

    12¶ Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.

  • Tir 35:16-18
    3 aayado
    75%

    16Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

    17Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

    18Amase hadduu ku dhufto hub qori ah oo uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

  • Bax 21:4-7
    4 aayado
    75%

    4Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.

    5Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,

    6de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.

    7¶ Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

  • 74%

    13Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

    14Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

  • 2¶ Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

  • Sharc 25:2-3
    2 aayado
    74%

    2Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu ahayd ha loo tiriyo.

    3Wuxuu ku xukumi karaa afartan karbaash, laakiinse yuusan uga sii badin, waaba intaasoo hadduu intaas uga sii badiyo oo karbaash badan la dhaco aad walaalkaa fududaysataa.

  • 17Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.

  • 21amase hadduu cadownimo aawadeed gacanta ugu dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, kii wax ku dhuftay hubaal waa in la dilaa, waayo, isagu waa gacankudhiigle, oo aardoonka dhiigga doonayaa gacankudhiiglaha ha dilo markuu helo.

  • 21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.

  • 20Oo ku alla kii la seexda naag addoon ah oo nin u doonan, oo aan la madax furin ama aan la xorayn, markaas waa in iyaga la ciqaabaa, laakiinse waa inaan iyaga la dilin, maxaa yeelay, iyadu xor ma ay ahayn.

  • 22¶ Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan,

  • 72%

    19Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.

    20Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.

    21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.

  • 35Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.

  • 17kolkaas waa inaad mudac qaaddaa oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.

  • Bax 21:35-36
    2 aayado
    71%

    35¶ Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.

    36Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

  • 2Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.

  • 14¶ Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.

  • 18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

  • 13Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,

  • Laaw 20:9-10
    2 aayado
    71%

    9Oo ku alla kii caaya aabbihiis ama hooyadiis, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa, waayo, wuxuu caayay aabbihiis ama hooyadiis, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.

    10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.