Sharciga Kunoqoshadiisa 21:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 22:26 : 26 laakiinse gabadha waxba ha yeelin, maxaa yeelay, gabadha dembi dhimasho istaahilaa kuma jiro, waayo, xaalkanu wuxuu la mid yahay markii nin deriskiisa ku kaco oo dilo,
  • Fal 23:29 : 29 kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.
  • Mat 26:66 : 66 Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.
  • Mark 14:64 : 64 Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.
  • Luuk 23:33 : 33 ¶ Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.
  • Yoox 19:31-38 : 31 ¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn. 32 Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga. 33 Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii. 34 Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo. 35 Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan. 36 Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo. 37 Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen. 38 ¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.
  • Yash 8:29 : 29 Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.
  • Yash 10:26 : 26 Oo markaas dabadeed ayuu Yashuuca wada laayay, oo uu shan geed ka soo deldelay, oo waxay geedihii ka soo laalaadeen ilaa fiidkii.
  • 1 Sam 26:16 : 16 War waxan aad samaysay ma wanaagsana. Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaad istaahishaan dhimasho, maxaa yeelay, ma aydaan dhawrin sayidkiinna ah Rabbiga kiisa subkan. Haddaba bal fiiriya boqorka warankiisii iyo kusaddiisii biyaha oo madaxiisa ag yiil.
  • 2 Sam 4:12 : 12 Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.
  • 2 Sam 21:6 : 6 ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.
  • 2 Sam 21:9 : 9 oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo.
  • Fal 25:11 : 11 Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.
  • Fal 25:25 : 25 Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.
  • Fal 26:31 : 31 oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.
  • Tir 25:4 : 4 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil.
  • Sharc 19:6 : 6 waaba intaasoo ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin, maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23jidhkiisa meydka ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay xagga Ilaah.

  • 21Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.

  • 12¶ Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.

  • Laaw 20:9-11
    3 aayado
    75%

    9Oo ku alla kii caaya aabbihiis ama hooyadiis, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa, waayo, wuxuu caayay aabbihiis ama hooyadiis, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.

    10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

    11Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • Sharc 17:5-7
    3 aayado
    75%

    5kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.

    6Oo kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin.

    7Oo markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 75%

    16Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.

    17Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.

  • Bax 21:14-17
    4 aayado
    75%

    14Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.

    15¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

    16¶ Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

    17¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

  • 29Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.

  • 13Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 74%

    21markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

    22¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.

  • 74%

    31Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan?

    32¶ Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.

  • 26Oo markaas dabadeed ayuu Yashuuca wada laayay, oo uu shan geed ka soo deldelay, oo waxay geedihii ka soo laalaadeen ilaa fiidkii.

  • 12waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee.

  • 39Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen.

  • 20¶ Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.

  • 72%

    9laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen.

    10Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

    11Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

  • Tir 35:16-18
    3 aayado
    72%

    16Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

    17Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

    18Amase hadduu ku dhufto hub qori ah oo uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

  • 31Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa.

  • 21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.

  • 12Oo ninkii kibra oo diidaa inuu maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka, ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan.

  • 15Oo haddii nin neef xayawaan ah kudo, sida xaqiiqada ah waa in ninkaas la dilaa, oo neefkana waa inaad gowracdaan.

  • 71%

    24markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

    25¶ Laakiinse haddii nin duurka ka helo gabadh nin u doonan, oo uu ninku gabadhaas xoogo oo la jiifsado, markaas ninka iyada la jiifsaday keliyahu waa inuu dhintaa,

  • 13Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay,

  • Tir 15:35-36
    2 aayado
    71%

    35Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ninka hubaal waa in la dilaa, oo shirka oo dhammu waa inay isaga xerada dibaddeeda ku dhagxiyaan.

    36Markaasaa shirkii oo dhammu waxay isagii keeneen xerada dibaddeedii, kolkaasay dhagxiyeen oo wuu dhintay, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 30Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen.

  • 23Oo markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaa la ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baa laga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggii taariikhda boqorka hortiisa.

  • 29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

  • 2Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.

  • Bax 21:29-30
    2 aayado
    71%

    29Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.

    30Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.

  • 7¶ Haddii nin la helo isagoo mid ka mid ah walaalihiisa reer binu Israa'iil intuu xaday uu ugu macaamiloodo sidii addoon oo kale, amase uu isaga iibiyo, markaas tuuggaas waa in la dilaa, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 27¶ Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 23Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,